Munaasabda Ciidul Fitriga

13 May “2021” Khamiis ” Muqdisho

Waxaa siweyn looga Ciidayaa dalka Soomaaliya iyo dunida Muslimka, kadib markii shalay la dhammeystiray 30-ka bisha Ramadaan.

Dadka kunool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa siweyn u Ciidaya, waxaana dadka ay isugu hambalyeeynayaan farxada maalinta koowaad ee Ciidu Fitriga, marka laga reebo deegaanada ay maamulaan Al-shabaab oo shalay laga Ciiday.

Waddooyinka waaweyn ee Casimadda ayaa lagu arkayaa boqolaal dad shacab ah oo isugu jira Caruur, dhalinyaro, Haween iyo Odayaal, kuwaasi oo Maanta u dabadal degaya maalinta koowaad ee Ciida.

Masaajida ku yaalla Muqdisho iyo magalooyinka maamul Goboleedyada ayaa saakay lagu tukaday saalada Ciidul Fitriga, waxaana tukashada saalada ka qeyb galay Mas’uuliyiin iyo kumanaan qof.

Dhinaca kale dalalka Caalamka ayaa Maanta oo khamiis ah ay u tahay maalinta koowaad ee Ciida, kadib markii la dhameystiray 30-ka bisha Ramadaan, waxaana jira dalal kale oo Maanta u tahay 30-ka Ramadaan, kuwaasi oo berri laga Ciidi doono

Leave a Reply