Muntari Wuxuu Dib Ugu Laabtay xusuusta Macalinkiisii Mourinho Iyo waayihiisii Inter Milan

Xiddiga reer Ghana ayaa fikradihiisa la wadaagaya tababarihiisa intii uu joogay Inter Milan

Xiddigii hore ee qadka dhexe ee kooxda Inter Milan Sulley Muntari ayaa ku booday difaaca kooxda uu tababarihi hore ee Jose Mourinho ka qaatay qaabkii uu u ciyaarayay tababaraha reer Portugal kaasoo si weyn loogu sharaxay ‘kubada cagta xun’.

Mourinho, oo hada ah maamulaha kooxda Tottenham Hotspur, ayaa caan ku ah falsafadiisa daafaca, nidaam intii uu macalin u ahaa Chelsea iyo Inter, oo uu kula guuleystay Champions League 2010.

Muntari wuxuu ka hoos ciyaaray macalinkii hore ee Real Madrid intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2010

SALAAMA SOMALI BANK

Shaki la’aan, Muntari iyo Mourinho waxa ugu weyn ee ay wada gaareen weli waa guushii Champions League ee 2010 halkaasoo ay finalka ku garaaceen kooxda Bayern Munich 2-0.

Muntari ayaa yidhi: “Waxay ahayd wax cajiib ah, wali waan ilaalinaa sidii aan ula hadli lahaa, waxaanan haysanaa koox sheekeysan oo leh kooxdii ku guuleysatay sedexleydii Inter Milan sidaa darteed waan ku xiriireynaa,” ayuu yiri Muntari.

Had iyo jeer farxad ayay igu aheyd agtiisa,maxaa yeelay waa nin aad u mabda ‘badan, waana tababare cajiib ah.

Xiddigii hore ee Udinese iyo Portsmouth Muntari ayaa u soo ciyaaray AC Milan iyo Pescara ee Italy, kooxda Isbaanishka ee Deportivo La Coruna iyo Ittihad ee Saudi Arabia ka dib qaab ciyaareedkiisii ​​Inter.

35 jirkan ayaa haatan baadi goob ugu jira koox cusub tan iyo markii uu soo afjaray muddo kooban oo uu la joogay kooxda heerka labaad ee Isbaanishka Albacete sanadkii hore.

Goal Sports

Leave a Reply