Muqdisho Airport waxaa laga soo xiray Shabakad ballaaran oo Booliiska Gobolka banaadir ay uga shakisan yihiin Musuq-maasuq.

20″ April “2023” Muqdisho

Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir ayaa howlgal ay ka sameeyeen garoonka Aadan Cadde kusoo qabtay Shan Sarkaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq.

Wax-isdabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.

Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay ka been-abuuratay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsatay dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit)

Sida qoraalka booliska lagu cadeeyay, Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobaysay lacagta iyo hantida dadweynaha.

Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka oo Kiiskan kooxda la wareegay ayaa diyaarinaya dacwad-oogista eedeysanayaashan, iyadoo xubnaha hadda ku jira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan Caddaaladda.

Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku daba-jira xubno kale oo katirsan Shabakaddan ku eedeysan musuqa iyo wax is daba mariinta.