5- September-2023- Muqdisho
Tiro dhagar argagixiso iyo shirqoolo qaraxyo oo la fashiliyay iyo howlgalo joogta ah oo habeen iyo maalin ah ayaa hoos u dhigay dhacdooyinkii amnidarrada ee argixisada alshabaab iyo kooxaha burcadda ay ka geeysan jireen Magaalada Muqdisho 2 sano ka horš
Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Amaanka, Somalia ayaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka wada howlgalo lagu xoojinayo xaqiijinta amniga iyo Xasiloonida Dadweynaha”
Inta badan waddooyinka Caasimadda, guryo iyo goobo ganacsi ayay Ciidamadu ka howlgalayaan, iyada oo isu socodka Magaaladu yahay mid caadi ah, sida ay ku warantay Warbaahinta qaranka
Tani waa miraha isbadelka dalkeena ka dhacay kadib markii ay soomaalidu iska hor wareejisay maamul aan masuuliyada iska saarin dhibaatooyinkii nabadgalyo xumo ee dalka ay ka wadeen Kooxda xagjirka ah ee Alshabaab oo qaarkood lagu xamanayay in uu xiriir hoose kala dhaxeeyay.
Hadii maanta ay Indhahayagu qabanayaan xukuumada u taagan xasiloonida Dadweynaha Iyo Xoojinta Amniga” bal aan xusuusta dib u celino oon eegno siduu xaalku ahaa laba sano ka hor gaar,ahaan xamar cade iyo Nawaaxigeeda
Sawirka maskaxdaada ku soo dhacaya hadii la barbara dhigo xaalada maanta maxaad ka dhihi laheyd sida aan halkan ku soo gaarnay..?