Muqdisho Dowlada somalia oo sheegtay In ay hakisay qorshaheedii Ku aadanaa kiraynta Tiyaarka


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Monday 30″ Aug 2021″ Muqdisho

DHEEHO WARARKII UGU DANBEEYAY KU TAGRIFALKA HANTIDA QARANKA OO TIYAARTARKU UGU HOREEYO

Ka dib Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari markii maanta ay shir jaraa’id ku qabteen Muqdisho iyaga oo sheegay inay aad uga soo horjeedaan in la kireeyo qeyb ka mid ah Tiyaatarka ayaa maamulka waqtigiisu dhaaaday we farmaajo iyana bilaabeen in ay ka hadlaan arinta Tiyaatarka muqdisho

Inkastoo ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen hadana taas macnaheedu ma,aha in laga laabtay

Wasiir Dubbe oo shaaciyey hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka,

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa sheegay inuu hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Warqad kasoo baxday wasiirka bishii June, oo labadii malamood ee lasoo dhaafay soo shaac baxday, ayaa lagu sheegay in dhul ka mid ah tiyaatarka laga kireeyey shirkad gaar ah, si looga sameeyo maqaaxi.

Qoraalka uu maanta soo saaray wasiir Dubbe ayuu ku sheegay in go’aanka hakinta kireynta uu yimid kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho.

War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan:

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayuu yiri wasiir Cismaan Abokor Dubbe

Leave a Reply