31- July-2023
Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku ridday ajaaniib kalluumeysato ah oo lagu helay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaalya.
Ajaaniibtan oo tiro ahaan gaaraya illaa 36 qof ayaa u kala dhashay waddamada Pakistan Iran, ayada oo ay horay usoo xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir, balse waxa ay kasoo qaateen racfaan, kaas oo maanta soo baxay.
Maxkamadda racfaanka ayaa ku dhawaaqday go’aanka kama dambeysta ah, waxayna wax ka bedashay xukunkii maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo sii adkeysay ganaaxii lacageed ee markii hore lagu ridday, kaas oo ahaa midkiiba 11 kun oo dollar, haddase waxaa lagu xukumay midkiiba 12 kun oo dollar, sida uu shaaciyay Saciid Cali Maxamed oo ah guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale maxkamadda ayaa xukuntay in dowladda Soomaaliya ay la wareegto doomaha iyo dhammaan qalabka ay wateen raggan ajaaniibbta ah.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan ka hortagga doomaha iyo maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ka wadda xeebaha Soomaaliya.