Muqdisho Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday 63 jir Alshaab ah kana Tirsan Militariga Somalia

19″ February “2023

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Macalin Tababar oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalla siyaad ee militaryga Soomaaliya, kaasi  loo heysto inuu la shaqeynayay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah  ayaa loo soo xiray in uu ka tirsanyahy Al-shabaab gaar ahaan qeybta waxa loogu yeero Amniyaadka, isla markaana uu u qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, sida ay sheegtay Maxkamadda ciidamada.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa caddeeysay in sarkaalka uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare, laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo, xilligii diiwaan gelinta Ciidamada socotay loo helay xidig sax ah.

Hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo ogaaday in Xidigle Cabdicasiis Xuseen Nuur Musral uu yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Al-shabaab.

Leave a Reply