Muqdisho oo lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweeynayo dib u doorashada Madaxweynaha somalia xasan shiiq maxamuud oo lagu qabtay

29″ May”2022″ Muqdisho” SONNA

Munaasabad lagu taageerayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ay soo Agaasimeen Haweenka Gobalka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munasabadaan oo aheyd mid ay soo xaadireen boqolaal Haween ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka tarjumeysay muhiimada ay lee dahay garab istaaga dowladanimada iyo taageerada Madaxda Qaranka.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab oo munaasada ka hadashay ayaa u hambalyeeysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, iyadoo tilmaamtay in Haweenka Soomaaliyeed ay marwalba diyaar u yihiin garab istaaga dowladnimada iyo kala sareenta sharciga.