Daawo : Muqdisho oo maanta lagu oo daahfuray dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnaddaha

22- July-2023- Muqdisho

壯陽藥 ull”>

Magaalada Muqdisho oo maanta lagu qabtay munaasabad lagu daahfurayay Dhaqan Galinta Hubinta Waafaqsanaanta Shixnadda Ka Hor Inta Aysan Dalka Soo Galin.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta furay xaflad loo sameeyey daahfurka iyo dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda ka hor oo hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ay la gashay shirkadda Bureau Veritas oo ah shirkad caalami ah oo hubin doonta tayada badeecadaha ka hor inta aan loo soo dhoofin dalka.

Ku simaha Maareeyaha ahna Maareeye ku xigeenka hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed Marwo Suuban Cabdi Nuur oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in muhiimadda heshiiskani uu yahay siddii loo ilaalin lahaa badqabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adda, waxaana ay xustay in shirkaddani ay tahay shirkaddani ay mas’uul ka noqon doonto hubinta tayada badeecadaha kala duwan ee soo galaya dalka.