27″ April ” 2021 ” Muqdisho
Muqdisho ooy ka bilaabatay dibadbax looga soo horjeedo ka dib la dareemay ciidamo la soo dhigay goobihii shalay lagu dagaalamay
Banaanbaxa oo bilowday afurka kadib ayaa socday muddo saacado ah waxana dadka dibed-baxaya ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayaan shacuurtooda ku aadan diidmada muddo kororsiga.
Waxaa dadweynaha dibada baxaya socod ka soo bilaabeen Isgoyska Mirinaayada, iyagoo sii maray Isgoyska Sanca, Jardiinka illaa Siinaay.
“Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo dooni meyno Kaligi-taliye dooni meyno” ayaa ka mid ah erayadii ay ku dhawaaqayeen dadka banaanaxa dhigayay waxana ay wateen boorar iyo sawiro.
Magaalada Mogadishu oo weli ay ka jirto cabsi la xiriirta in dagaal uu markale ka qarxo iyadoo dad badana ay ka barakaceen magaalada
Halkaan ka daawo
Isu soo baxa dadweynaha ayaa timid ka dib markii la dareemay saansaan colaadeed ooy abaabulayaan maamulka waqtigiisu dhamaaday ee farmaajo .