1 ” July “2022” Muqdisho”
Somalia oo u dabaldegtey munaasabada 1 July oo ku beegan sanad,guuradii 62 aad ee xornimada gobolada koonfureed iyo Israacii labada gobol ee waqooyiga iyo koonfurta
Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho,
Madaxweyne xasan shiiq oo qudbad ka jeediyay dabaaldega maalinta xoriyada iyo midnimada somalia ee 1 da July ayaa soo hadal qaaday halgankii loo soo maray xornimada iyo ka dib dhibaatooyinkii dhacay ee keenay in ay dhawacanto midnimada wuxuuna Soomaalida ugu baaqay in ay isu gurmadaan xiligan adag ee dalku uu wajahayo abaaraha is raac,raacay
Guud ahaan Soomaaliya ayaa looga dabaal dagayaa sanad guuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo hadda laga joogo 62 sanadood.
Munaasabada oo lagu maamuusayo muhiimadda maalintaan ku astaysan midowgii labada gobol iyo ka xuroobiddii gumaystihii Talyaaniga gobollada koonfureed, ayaa waxaa ka qayb galay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Labada Aqal ee BJFS, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Banaadir, marti sharaf iyo dibllomaasiyiin lagu casuumay munaasabadda.
Kooxaha fanaaniinta ee Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigaya suugaan ka turjumeysa qiimaha ay maalinta oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed iyo taarikhda halgamayaashii dalka soo maray.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka waddooyinka magaalada Muqdisho, si loo weyneeyo muhiimadda ay Ummadda u leedahay markii Gobollada Koonfur fureed ay xornimada ka qaateen gumeystirhii Talyaaniga iyo Israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.
Qaar ka md ah Gobollada iyo dalka dibadiisa ayaa caawa oo kale lagu qabtaa xaflado lagu weyneynayo 62 sano guuradiii ka soo wareegatay xornimadii dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in la weyneynayo xuska 1da Luulyo, isla markaana dowladda ay dhaqaalaha ugu talagashay xafladda la yareyn doono si loogu caawiyo dadka ay abaartu saameysay,
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 1-dii Luulyo ee gobolladii koofureed ay ka xoroobeen gumaystihii Talyaaniga, isla maalintaana ay midoobeen gobolladii Waqooyiga iyo Koofurta ayaa hambalyo ku aaddan u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada Soomaaliyeed xusuusiyey muhiimadda maalintani u leedahay, isagoo ugu baaqay in ay u midoobaan horumarka iyo dib u soo kabashada dalkooda.