Muqdisho: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Bar kantarool Ciidan

Tuesday 14″ September “2021” Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in goor dhowayd qarax uu ka dhacay degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay inta u dhaxeeysa bar kontorool oo laga galo Xalane iyo xerada Jeneraal Gordon.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku dhow meel lagu qaado canshuurta dowlada hoose. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare.

Qof isku soo xeray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayad ku taala degmada Wadajir gaar ahaan inta u dhaxeysa bar kantarool u dhow xerada Xalane iyo Janaraal Gordan.

Sida ay wararku sheegayaan ilaa 10 ruux ayaa ku geeriyooday Qaraxa tiro intaasi kabadanna way ku dhaawacmeen.

Goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa bilooyin kahor waxaa sidan oo kale qarax lagu weeraray dhalinyaro tababar loo qorayay kuwaasoo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray.

Ilaa hadda ma cadda waxa loo adeegsaday qaraxaas, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu ahaa qarax is-miidaamin ah.

La soco Dheeho.com Faahfaahin intaa kabadan.

壯陽藥

Leave a Reply