Muqdisho qarax xoogan ayaa ka dhacay meel ku dhaw hoteelka ay ku shirayeen madaxda u sharaxan tartanka madaxtinimada dalka

27 ,November, 20202, Muqdisho “

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo  baxaya Qarax Xooggan oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana jira Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo Qaraxaasi ka dhashay.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay aga-gaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo halka Qaruxu ka dhacay uu ku yaallo kontaroolka Ciidanka Nabad sugidda ee KM4, waxaana jugta qaraxa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkani banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay ruux waxyaabaha Qarxa isku soo xiray, oo sida la sheegay gudaha u galay Maqaayad lagu magacabo Gelato Divino oo ku taalla aga-gaarka Sahal Terminal, waxaana la sheegay in goorta uu qaraxu dhacay ay ahayd mid aad u mashquul badan.

Wararka ayaa sheegaya in illaa 7 ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa, kuwaasoo u badnaa dhalinyaro caan ka ahaa magaalada, sidoo kale tiro kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Qof xirnaa jaakadaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayada banaankeeda oo ay fadhiyeen dhalinyaro badan oo ku caweynayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu lugeynayay, dabadeedna uu isku qarxiyay dadkii maqaayada banaankeda fadhiyay.

Qaraxyada muddooyinkan ka dhacayay Muqdisho ayaa ahaa mid ismiidaamin oo ahaa qof waxyaabaha qarxa isku xira, iyadoo maalmo ka hor sidan oo kale maqaayad ku dhow Dugsiga Tababarka Booliska Jen. Kaahiye uu qof isku qarxiyay ku dilay illaa shan ruux.

Wali lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee caawa ka dhashay Qaraxa, balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ay ku dhinteen Qaraxaasi halka Dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, inkastoo aan wali si dhab ah loo ogaan Khasaaraha haddana qaraxu waa mid khasaaro badan dhilyay.

Ciidanka amaaanka ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala aagga Qaraxu ka dhacay, waaxaana la arkayaa Ciidan farabadan oo waddada lagu soo daadiyay, kuwaasi oo dadka aan u ogolayn in ay tagaan halka Wax ka dhaceen oo aammaankeeda la adkeyay.

Gurmadka loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa socda, waxaana goobta soo gaaray gaadiidka Ampulance-ta loo yaqaanno, kuwaasi oo dadka ku dhaawacmay qaraxa ula cararaya goobaha Caafimaadka, iyadoo dhaawacyada la gaarsiiyay Cusbitaalada Muqdisho.

Wali laamaha amaanku kama hadal qaraxa, mana jirto Cid ilaa hadda sheegatay Mas’uuliyadda qaraxasi, waxaana hadda xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyadoo wali logu howlan yahay sidii la isku haleeshiin lahaa daka dhawaca ah iyo Ehaladodii.

Leave a Reply