Muqdisho: Sharciga dhowrista xuquuqda carruurta ayaa lagu ansixiyay shirkii golaha wasiirrada

10- August-2023- Muqdisho<壯陽藥 /p>

Muqdisho: Sharciga dhowrista xuquuqda carruurta ayaa lagu ansixiyay shirkii maanta ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Bare, kaasoo meesha ka saaraya dhammaan noocyada xadgudubka xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalka kooxaha Khawaarijta ah lagu ciribtirayo ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin.

Sidoo kale, Golaha ayaa la horkeenay warbixinno la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Leave a Reply