Muranka Geeska Ma Yahay Figrad U Wanaagsan Raadinta Aqoonsi Quus Laga Joogo ?

Ilaa hal mily oo qof ayaa u dareeray cod dhiibaahda dorasho ka dhacday Maamulka Somaliland oo Somalia ay u aragto qeyb ka mid ah dalkeeda.

Dadka Somaliland oo la halgamaya kor u kaca qiimaha maciishada iyo xiisadaha dhuleed ee ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda ayaa kala dooranaya sadax Musharax Iyadoo doorashadan aysan ka qabsoomin magaalada Laascaanood oo Maamulka Khaatumo dagaal mudo socday kadib uu ku dhawaaqay in ay ka go,een Somaliland

Hogaamiyaha Maamulka la baxay Somaliland Muusa biixi cabdi ayaa Muran ka dhex abuuray Somalia Iyo Itoobiya horaantii sanadkan markii heshiis MOU uu la galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Inkastoo 11 bilood ka dib Isafgaradku uu halkiisii taagan yahay hadana Xiisad ka dhex alloonsan dalalka dariska ah ee Geeska Afrika ayaa sii xogeeysatay

“Ma daawan doono in qaranimadeena la carqaladeeyo,” ayuu ku dhawaaqay, Madaxweynaha Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka Isla maalintaas, Isaga oo amray in safiirka Itoobiya loo diro waddankiisa

Somalia oo cara weeyn ka muujisay ayaa wax ay u aragto xadgudub ka dhan ah gobonimaderda ayaa qaaday dagaal diblomaasiyadeed oo guntay heshiis sadax geesood ah oo la gashay Eritrea Iyo Egypt Iyadoo Itoobiya ka saartay dalalka ka qeybqaadanaya Howlgalka cusub ee AUSSOM

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday Inkastoo uu wali yahay mid hooseeya khatarta dagaalka toos ah oo dhexmara Somalia Iyo Itoobiya hadana somaliland yar ayaa dhexda uga jirta xiisad gobol oo khubarada qaar ay ka cabsi qabaan in ay sii kororto

Ictiraaf ma jiro, heshiisna ma jiro

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in xiisaddu ay sii kordhi karto ilaa iyo inta suurtogalka ah in la qaado tallaabo milatari – haddii xaaladdu ay noqoto mid aan la qaboojin.

Si xiisadda loo qaboojiyo, khubarada qaar ayaa uga digay Itoobiya inay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland iyadoo weli ay kiraysato dekeddeeda.

“Itoobiya waxay geli kartaa badda iyada oo sii marta Somaliland iyada oo aan aqoonsi rasmi ah helin,” ayuu yidhi falanqeeye Endalcachew Bayeh oo ku qoray daabacaadda akadeemiyadda,

The Conversation, isaga oo intaa ku daray in labada awoodoodba ay tahay inay dib u eegaan xeeladahooda oo ay muujiyaan “xakameyn