Tuesday “23 November ” 2021″ BBC
Doorashada baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid ay xiisado siyaasadeed hareeyeen xilli qaar ka mid ah musharraxiinta ay dood ka keeneen hannaanka ay wax ku wadaan guddiga doorashooyinka.
Doorashada Aqalka Sare ayaa horay loo soo afjaray, haddana waxaa socota doorashada Aqalka Hoose ee loo yaqaanno Golaha Shacabka.
Saddex meelood ayay howsha doorashada iyo diiwaangelinta musharraxiinta ka socotaa, kuwaas oo kala ah: Maamul Goboleedka Galmudug, Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed iyo guddiga doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi oo ka dhaceysa Muqdisho.
Waxaase walaac laga muujiyay hab raaca loo maray howsha diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya kuraasta.
Waxaan eegeynaa afar arrimood oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee xiisadda dhaliyay:
1- Musharraxiinta iyo ergooyinka
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta u taagan kuraasta baarlamaanka ayaa la diiwaangeliyay iyadoo aan la soo xulin ergooyinkii dooran lahaa, taasoo ay tallaabo “khaldan” ku tilmeemeen siyaasiyiinta mucaaradka.
War saxaafadeed ka soo baxay musharraxiinta ku midoobay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#67 ayaa lagu sheegay in doorashada kursigaas “gacanta loo galinayo ergooyin aan ahayn kuwii saxda ahaa, oo ku sugan Dhuusamareeb, taasna ay cabasho ka qabaan”.
Waxay sheegeen in ergooyinka loogu talogalay kursigaas ay joogaan magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, kana tirsan Musharraxiinta xilka madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in habraaca loo marayo doorashada uu “yahay mid aan waafaqsaneyn waxyaabihii lagu heshiiyay”.
Laakiin Axmed Aadan Dagaal (Safiina), oo ah afhayeenka guud ee doorashada dadban ee Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay in shaqadoodu ay ku socoto si sax ah, ilaa haddana aysan jirin cid cabasho qabta oo u tagtay guddiga.
“Qof kasta oo cabaya wuxuu xaq u leeyahay inuu noogu imaado xarunta, noo sheego waxa uu ka cabanayo, oo ah habraacii oo la jebiyay. Ilaa hadda ma aannaan arkin musharax ka cabanaya ama suldaan ka cabanaya qof ama ergo
XIGASHADA SAWIRKA,SNTVQoraalka sawirka,
Guddiga doorashada ayaa shahaadooyinka aqoonsiga siiyay qaar ka mid ah musharraxiinta la diiwaan geliyay, oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Mahad cabdalle Cawad
Safiina ayaa sheegay in diiwaangelinta ergooyinka iyo diiwaangelinta musharraxiinta ay kala tahay labo shaqo oo kala madax bannaan.
“Dabcan diiwaangelintu way socotaa, ergadu waa 101, tiro badan ma aha, waxaana diiwaangelinaya xafiis u gaar ah oo ka gooni ah xafiiska qabanaya arjiyada murashaxiinta, waxaana qoraya oo gacantooda ku keenaya odayaasha dhaqanka ee loogu talogalay inay soo xulaan kursigaas. Marka waa labo shaqo oo kala madax bannaan oo aan isu xannibnaaneynin,” ayuu yiri Afhayeenka.
Waxa uu intaas raaciyay: “Way is khuseeyaan oo maalinta doorashada ayay isku qorshe yihiin oo ay isu codeynayaan laakiin diiwaangelintoodu waa kala labo.
“Ergada gooni ayaa loo diiwaangelinayaa murashaxiintana gooni ayaa loo diiwaan gelinayaa. Ergada waxaa lagu dabaqayaa habraacooda goonida ah murashaxiintana habraaca u gaarka ah baa lagu dabaqayaa.”
2- Musharraxnimada yaasiin fareey
Dood ayaa ka dhalatay tallaabo ay guddiga doorashada ay waqradaha aqoonsiga diiwaangelinta ku guddoonsiiyeen taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, arrintaas oo lagu tilmaamay mid hareer marsan habraacii doorashada.
Musharraxiinta war saxaafadeedka soo saaray iyo siyaasiyiin kaleba waxay si gaar ah caro uga muujiyeen go’aankaas, iyagoo sheegay in xeerka la isku ogyahay uu ahaa mid dhigaya in sarkaal xil haya aan loo oggonaalin doorashada ilaa uu iska casilo saddex isbuuc ka hor waqtigaas.
Guddiga doorashada ayaase sheegay in qodobkaas ay ku saxan yihiin, habraacuna uusan cidna ka reebeynin doorashada.
“Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii wadatashiga qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xaddidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xilal haya – ama xil dowladeed ama xil ciidan – inuu iska soo casilo kursiga uu hayo.
“Doorashadii Aqalka Sare waxaa ka qayb galay safiirro, qaarkoodna ay ku guuleysteen ama ku guul darreysteen, imikana waxaa u sharraxan saraakiil ciidan iyo safiirro, habraacaasina ma dhigayo inay isasoo casilaan 7 maalmood ka hor,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada ee guud.
3- Doorasho dadban
Dadka cabashada ka muujinaya hannaanka doorashada oo ay ka mid yihiin musharraxiinta dhaleeceeyay guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashada lagu wado qaab boobsiis ah oo wax badan lagu marn habaabinayo.
Cabdiraxmaan Cbadishakuur oo weerar xagga afka ah ku qaaday Ra’iisul asaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagana sheegay in Rooble uu gabay howshii loo igmaday, “waxa hadda socdana aan lagu tilmaami karin doorasho”.
Laakiin Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo hadalkaas ka jawaabay ayaa sheegay in aysan jirin mucaarad kasoo horjeeda doorashada balse dadka kasoo horjeeda ay yihiin shaksiyaad.
Cusmaan Abuukar Dube iyo afhayeenka guddiga doorashada waxay labaduba adeegsadeen erayga “doorasho dadban” oo sheegeen in uu sabab u yahay daahitaanka doorashada ee markii hore iyo dardargelinta hadda la sameynayo labadaba.
Doorashada dadban ayaa caqabado lugaha kula jirtay tan iyo markii uu soo dhawaaqay waqtiga uu dowladda ka dhammaanayay muddo xileedkeeda.
Wasiir dubbe ayaa sheegay in doorashada hal qof iyo hal cod aysan muddo dheer qaadanin.
“Waad ogtihiin doorashadu waa doorasho dadban, doorasho dadban waad taqaanniin oo way iska jiitantaa, doorashada hal qof iyo hal cod ayaa hal maalin dhacda.”
“Doorasho dadban waxay leedahay culeys dhaqaale, culeys amni culeys siyaasadeed, laakiin xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay ku socotaa waddadii saxda ahayd, qayb ka mid ahna waa lagu guuleystay,” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.
Maamul goboleedyada Hirshabeelle, Puntland iyo Jibaland ayay ka socotaa qaban qaaada loogu diyaar garoobayo doorashada Golaha Shacabka.