Thursday” 17 “Jan” 2022″ Dheeho” Webmaster
Mudo sanad ah somalia waxaa qabsoomi waayay doorasho laysla ogol yahay waxaana la waayay sadax xili roobaad muranka siyaasada iyo masiibada abaaraha oo daba dheeraaday waxaa laga yaabaa In ay keento dalka” oo mar kale dib ugu laabata “Macluul”
Soomaalida ku barakacay gudaha dalka ayaa sita alaabtooda iyagoo ka soo cararaya gobollada ay abaaruhu ku dhufteen ka hor inta aysan gelin xeryo cooshado ka sameysan oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee galbeedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho
Meelaha qaar dadku waxay mar horeba bilaabeen in ay u dhintaan gaajo,iyadoo Inta badan Soomaaliya ay soo food saartay xilli-abaareedkii saddexaad oo akhbaar xun u ah dalagyada, xoolaha iyo dadka.
Macaluul waxay imaan kartaa isla bisha Maarso, ee sanadkan ayuu yiri faysal cumar xaashi oo Routers uga soo warama Muqdisho Soomaali badan ayaa isku deyaya in ay ka soo baxaan dalkooda iyaga oo rajeynaya in ay badbaadiyaan noloshood
Gaajo Iyo amnidaro sababtay Qulqulka dadka
Qaraxyada iyo cadaadiska kooxda shabaab oo ciidamadii u bareeri lahaa ay ku milmeen siyaasadaha is diidan ,shaqo,la,aanta abaaraha soo laalaabtay waxa Somali badan ay ku qasbeen in dalkooda ka cararaan
Qaylo Dhaan
Qaramada Midoobay ayay qeylo dhaan ka soo yeertay abaarta Soomaaliya oo si degdeg ah uga sii dareysa Bishii Noofambar ee sanadii hore iyadoo dalku aanu lahayn maamul sharci ah oo lagala xisaabtamo masuuliyada macluusha dadka
Sanadihii la soo dhaafay, masiibooyinka dabiiciga ah – ma aha iskahorimaadyada – ayaa ahaa sababaha ugu weyn ee barakaca Soomaaliya, oo ah waddan ay dagaalladu aafeeyeen oo ka mid ah kuwa adduunka ugu nugul isbeddelka cimilada.
Soomaaliya waxay la kulantay in ka badan 30 khataro la xidhiidha cimilada tan iyo 1990, oo ay ku jiraan 12 abaaro iyo 19 daadad.
Adam Abdelmoula, oo ah isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee dalka, ayaa yiri “Duufaan qumman ayaa ka curanaysa Soomaaliya”. Wuxuu ku baaqay in si deg deg 壯陽藥 ah wax looga qabto si looga hortago in xaaladaha macluusha ay dhacaan.
Wasiirka Gargaarka Bani’aadantinimada iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Khadiija Diiriye ayaa ka digtay in qoysasku ay gaajo u dhintaan maadaama ay xoolahoodii ka dhamaadeen oo ay aad ugu sii siqayaan faqri.
“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay carruurta, haweenka, dadka da’da ah iyo dadka naafada ah ee sii wata dhibaatada ugu weyn ee dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Soomaaliya,” ayay tiri.
Heerarka webiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa hooseeya, waxaana la filayaa in bilaha soo socda ay aad hoos u dhacaan. Inta badan Berkadaha – Barkadihii yaryaraa – iyo ceelashii gacmeedyada ayaa guray, taas oo keentay in bulshadu ku tiirsanaato ceelal riigag ah oo aad u kala fog, inta badanna wax soo saarkoodu aad u yar yahay iyo biyaha tayadoodu liidato.
Dalag-la’aanta ayaa la filayaa inta badan dhulka beeralayda ah. Xaaladaha abaarta ayaa la saadaalinayaa inay ka sii dari doonaan Diisambar 2021 iyo rubuci hore ee 2022.
Sanadkii 2017-kii, abaar ba’an ayaa saameysay in ka badan lix milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, waxaana ay sababtay masiibo bini’aadantinimo oo soo gaartay dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah.
Abaarta ayaa durba ku qasabtay dad lagu qiyaasay 100,000 oo qof in ay ka qaxaan guryahoodii si ay cunto, biyo iyo baad u raadiyaan xoolahooda.
Inta badan Berkadaha – barkadihii yaryaraa – iyo ceelashii gacmeedyada ayaa guray, taas oo keentay in bulshadu ku tiirsanaato ceelal riig ah sida ku warantay Reuters
Abaarta “sida degdega ah uga sii daraysa” ee Soomaaliya ayaa keentay in in ka badan laba milyan oo qof ay wajahaan cunto iyo biyo la’aan daran, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay.
Geeska Afrika ayaa hadda ” qarka u saaran inuu di’o xilli-roobaadkii afraad oo xiriir ah”, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) iyo dowladda Soomaaliya oo la sii daayay galinkii dambe ee Khamiista.
Dowladdahaa Britain Iyo Imaaraatka carabta oo Soomaaliya ugu yaboohay malaayiin Doollar iyo Gargaar cuno
Dowladda UK ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ka badan10 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaaraha saameeyeen.
Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford ayaa maanta ku dhawaaqday in 10.7 milyan oo dollar ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed, lacagtan ayaa qeyb ka ah 22 milyan oo dollar oo dowladda UK ugu deeqday dalalka; Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Suudaanta Koofureed oo abaaro ba’an ka jiraan xilligan.
War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 500,000 oo qof oo Soomaali ah u baahan yihiin in laga caawiyo helitaanka biyaha iyo cuntada si naftooda loo badbaadiyo isla markaana loo yareeyo khatarta macluusha ka dhalan karta abaarta, iyadoo deeqda Imaaraadka ay isugu jirtay raashinka noocyadiisa kala duwan iyo daawooyin, loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ay Abaaraha ku saameeyeen
Ma jiro maamul sharci ah oo laga la, xisaabtamo masuuliyada mashaakilka abaaraha inkastoo muranka siyaasda loo tiirinayo. madaxweynihii hore maxamed cabdulaahi farmaajo oo Ku fashilmay in dalka ka hirgaliyo doorashadii uu aadi jiray 4 sanaba mar