Muruq dhaqaale ee Sacuudiga wuxuu hadaday suuqa kala iibsiga ciyaartooyda

30- August-2023

Muxuu Sacuudigu balaayiin doollar ugu maalgashanayaa kubadda cagta?

Naadiga Al Hilal waa kooxda ugu badan ee hanatay koobabka waxayna ku guuleysatay ilaa 66 koob. Waxay sidoo kale ku guuleysteen Horyaalka AFC Champions League ilaa afar jeer, taasoo ka dhigtay naadigan Riyadh ka dhisan kooxda guulaha ugu badan gaartay ee qaaradda Aasiya.

Marka laga soo tago taariikhdeeda cajiibka ah, taageerayaal badan, ayaa 19 August 2023 xusay billowga waa u baryay kooxda markii Neymar Junior lagu soo bandhigay in ka badan 65,000 oo taageerayaal ah hortooda.

Bulalleerro ayaa is qabsaday cirka Riyadh, markii weeraryahankan u dhashay Brazil uu soo muuqday isagoo xiran dharka buluugga ah ee naadiga.

“Maalin aad u qiimo badan ayay inoo tahay. Neymar waa xiddig weyn. taageerayaal badan ayuu usoo jiidi doonaa Al Hilal. Waxaan u maleynayaa in dhammaanba Brazil ay haatan na taageeri doonto. Naadiga meel walba ayaa laga garan doonaa,” taageere kooxda Al Hilal ah oo lagu magacaabo Abdullah Almutawa ayaa sidaas u sheegay BBC

Mashruucan weyn ee looga dhigayo Sacuudiga hoyga kubadda cagta ayaa waxay ka bilaabatay imaanshihii Cristiano Ronaldo ee kooxda Al Nassr bishii January isagoo la galay kooxda qandaraas sanad iyo bar ah oo ku kacaya $400m (£318m amaba 370m euros).

Tan ayaa naadiga Sacuudiga u furtay waddo ah in qaar ka mid ah magacyada ugu waaweyn kubadda cagta ay dalkooda keenaan.

Karim Benzema wuxuu ahaa cayaartoygii weynaa ee xigay oo June u wareega dalkaas markii uu ku biiray kooxda fadhigeedu Jiddah yahay ee Al Ittihad isagoo kaga soo biiray Real Madrid.

Wixii intaa ka dambeeyay, magacyo caan ah oo ay ku jiraan Sadio Mane, Riyad Mahrez, Jordan Henderson, N’Golo Kante, ayaa Saudi Pro League usoo wareegay.

Intii lagu guda jiray xagaaga, Horyaalka Saudi Pro League ayaa in ka badan $900m ku kharash gareeyay suuqa lasoo wareegidda cayaartoyda si ay usoo qaataan cayaar-yahanno ajnabi ah, wuxuuna noqday horyaalka labaad ee kharashka ugu badan ku bixiya marka laga soo tago English Premier League. Cadadkan lacagta ah kuma jirto mushaarka aan caadiga ahayn ee lagu soo jiidanayo cayaartoyda ugu sarreysa naadiyada Yurub.

Tanina maaha wax hal mar uun ah, sida uu qabo madaxa naadiga Carlo Nohra. Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ka go’an inay dib u maalgashato naadiga ilaa uu ka gaarayo riyadiisa ah inuu ka mid noqdo horyaallada ugu waaweyn caalamka marka la eego dakhliga iyo tayada.

Horyaalka Saudi Pro League ayaa doonaya inuu la tartamo English Premier League, iyo La Liga.

Mr Nohra ayaa sheegay inay joogteyn doonaan kharash gareynta badan si usoo jiitaan cayaartoy ajaanib ah ilaa horyaalku uu ka gaarayo hadafkiisa, balse sidoo kalena ay ka fekeri doonaan mustaqbalkooda.

“Innagoo heysanna ballanqaadka inaan helno taageero muddada ay qaadataba ilaa aan ka gaareyno yoolkeenna, waa muhiim inaan noqonno kuwo dhaqaale ahaan isku filan oo aan gebi ahaanba ku tiirsaneyn lacagta dowladda,” ayuu Mr Nohra u sheegay BBC.

Awood jilicsan

Dalkan oo ah kan ugu weyn adduunka ee shidaalka dhoofiya ayaa balaayiin doollar ku kharash gareeyay kubadda cagta, waxaana ka mid ah boor ka jafidda Saudi Pro league, Formula One iyo the lucrative LIV Golf. Dadka qaar ee cambaareeya ayaa ku tilmaamay mid dadka looga weecinayo rikoorka xuquuqda bani’aadannimada ee dalkaas.

Sacuudiga

Balse khubarrada qaar ayaa aaminsan in maareynta sumcadda aysan ahayn sababta keliya ee ka dambeysay istaraatiijiyadda Sacuudiga.

Sida uu qabo Simon Chadwick, oo ka tirsan Skema Business School ee Paris, “dalalka adduunka waxay cayaaraha 壯陽藥 iyo madadaalada u isticmaalaan aalad siyaasadeed oo lagu raadinayo awood jilicsan”.

“Waa siyaasad ay haatan dowladda Sacuudiga adeegsaneyso. Waxaan ka hadleynaa tartanka u dhaxeeya dalalka ee lagu hananayo quluubta iyo maskaxda dadka dunida dhan. Britain, Mareykanka, Faransiiska, Hindiya iyo dalal kaloo badan ayaa siyaasaddan dhaqan geliyay. Haatan Sacuudiga ayaa isla sidaa sameynaya,” ayuu intaa raaciyay Prof Chadwick

Ujeeddada labaad ee ugu weyn ayaa ah inay dooneyso dib u habeynta dhaqaalaheeda inta uusan hoos u dhicin dakhliga shidaalka. Haatan, wuxuu shidaalku dhaqaalaha Sacuudiga ka yahay in ka badan 40%.

Leave a Reply