Daahir Maxamuud Geelle oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Dan Qaran ayaa soo dhaweeyay heshiiska doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Dan-Qaran ayaa niyad wanaag u muujiyay sida looga bogsaday walwalkii jirey ee ahaa in lala yimaado isku day muddo kororsi si loola yimaado siyaasad nabdoon oo turxaan la’.

Ugu dambeyntii Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu baaqay in la fuliyo heshiiska la gaaray iyadoo lagu xusay in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay aad uga liidato fulinta heshiisyada.

