23″ March “2022” Radiokulmiye
Warbaahinta Garowe Online ayaa barteeda Twitter Space ku qabatay dood wadaag uu marti ku ahaa musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo u taagan madaxtinimada Soomaaliya taasoo ku saabsanayd saameynta doorashada ku leedahay siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo xaaladda geeska Afrika ayuu si wanaagsan ugu sharraxay kasoo qeybgalayaasha fikirkiisa ku aaddan mowduucaas, isagoo guudmar ku sameeyey taariikhda Soomaaliya iyo muhiimadda ay ugu fadhido gobolka geeska Afrika in Soomaaliya oo amni ah ay waxbadan ka tarayso deganaanshaha bariga Afrika.
Dr. Abdinasir wuxuu si qotodheer uga hadlay doorashada Soomaaliya iyo saameynta hoggaanka cusubi uu ku yeelan doono siyaasadda Soomaaliya ee caalamka iyo midda geeska Afrikaba, isagoo dul istaagay faragelinta ay ku hayaan dalal shisheeye doorashada iyo kala jiidashada musharaxiinta, isagoo ku baaqay in doorashada la Soomaaliyeeyo oo laga ilaaliyo faragelinta dibadda ka imaanaysa, wuxuuna si fiican u sharraxay in ka maqnaanashada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada ay fursad siin karto dad aan u qalmin hoggaanka dalka.
XAYEEYSIIS
Wuxuu sidoo kale aad ugu dheeraaday siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo sida laga rabo inay u shaqeyso, isagoo tusaalooyin usoo qaatay xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya, xidhiidhka Soomaaliya iyo khilaafkii khaliijka ee Qatar iyo Imaaraadka. Wuxuu sidoo kale ka hadlay in faragelinta dalalka qaarkood ku hayaan Soomaaliya ay tahay mid aad u sarreeya iyadoo ay muhiimmadu tahay in dalalka isku si loola dhaqmo iyadoo la fiirinayo danta guud ee Soomaaliya iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.
Dr. Abdinasir wuxuu faahfaahin ka bixiyey saameynta khilaafyada waaweyn ee dunida ay ku leeyihiin dalalka Afrika sida dowladda Mareykanka, Ruushka, Shiinaha , khilaafka webiga niilka iyo budhcad baddeeda khatarta ku ah amniga biyaha gacanka cadmeed iyo badweynta hindiya. Wuxuu carabka ku dhuftay sidoo kale saameynta tartanka awoodaha caalamku ku hayaan dekedaha iyo saldhigyada dalalka bariga Afrika, isagoo miiska soo saaray inay lagama maarmaan tahay midnimo Soomaaliyeed iyo wadajir loo baahanyahay in lagu wajaho caqabadaha soo wajahan, isagoo ugu baaqay dowladda soosocota ee Soomaaliya inay horyaallaan isbedello waaweyn oo dunida ka dhacay oo Juquraafi-siyaasadeed looga baahanyahay sidii ay ula falgeli lahayd.
XAYEEYSIIS
Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir ayaa sheegay in qaabka loo maareeyey siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya shantii sano ee lasoo dhaafay ay ka muuqatay khibrad la’aan isagoo tusaale usoo qaatay heshiisyadii saddex-geesoodka ahaa ee Geeska Afrika (Itoobiya – Soomaaliya – Eretereya) isagoo 犀利士 sharaxaad ka bixiyey inaysan jirin ujeed mideynaya waqtigaan la joogo dalalkaas aysanna faa’iido ugu jirin Soomaaliya lagana yaabo inay khataro kale oo waaweyn ku hoos duugan yihiin maadaama aan Golaha Shacabka la horkeenin heshiisyadaas qarsoon laga warhayn ujeedkooda rasmiga ah.
Doorashada Soomaaliya ee sannadkaan jiitamaysay ayuu Iyana ka hadlay isagoo xusay in khilaafyada siyaasadeed ee laga dhaxlay iskudaygii muddo kororsigii labada sano ahaa ee madaxweynaha xilku ka dhammaaday uu ahaa khatartii ugu weynayd ee soo wajahday dimuqraadiyadda curdinka ah ee Soomaaliya, khilaafka hadheeyey Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada ayuu ku tilmaamay inay Iyana meel khatar ah gaarsiisay siyaasadda iyo deganaanshaha dalka, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in adduunyadu ay daawanaysay waxyaabaha ka socday Soomaaliya ee hoggaan xumo iyo maamul xumo ah, isagoo madaxda hadda xililka u haysa dalka ku tilmaamay inay ku fashilmeen hoggaaminta Soomaaliya.
XAYEEYSIIS
Dadweynihii dhegaysanayey dood-wadagaas soconayey labada saac ayaa su’aalo aad u tiro badan oo dhinacyo badan leh waydiinayey musharax madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed isagoo mid-mid uga jawaabayey suaalaha dadweynaha.
Ugu danbeyntii wuxuu kusoo gabogaboobey kulankaas doodda ah iyadoo ay dadweynuhu fahmeen siyaasadda musharaxa ee ku aaddan siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo xasiloonida dalka iyadoo lala jaanqaadayo dalalka geeska Afrika iyo caalamka siyaasad deggan oo wax wada qabsi ku dhisan.