Dheeho” Sababta uu Musharax Mustaf Dhuxulow u Tagay Magaalada Hargeysa

29,November 2020 Cusbooneeynsiin

Waxaa Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland  gaaray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Xabsiga la dhigay  kadib markii uu uu ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu u tagay Magaalada hargeysa, waxaana inta badan aan dhicin in mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya at tagaan degaanada Somaliland, iyadoo ay taasi jirto haddana waxaa Hargeysa gaaray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale ah Murashax u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa jira warar kala duwan oo ku aaddan safarka Xildhibaanka, waxaana wararka aan helayno ay sheegayaan in shirkad Jarmal ah oo Hargeysa degeni ay usoo saartay dal-ku-galka Sonaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo, waana sababta keentay in uu Hargeysa tago sida warar hoose ay sheegayaan.

Xildhibaanka ayaa markii uu ka dagay Garoonka waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Ammaanka Hargeysa, kuwaasi oo la sheegay in ay xabsiga u dhaadhiciyeen, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland oo ku aaddan Xarigga Xildhibaanka.

Sidoo kale warar la helayo waxaa ay sheegayan in Xildhibaanka dib loogun soo tarxiili doono Magaalada Muqdisho ee Caasiamdda Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in ay jiraan arrimo kale oo uu Hargeysa u tagay Xildhibaanka marka laga tago in shirkad Jarmal ah oo Hargeysa degeni u soo saartay dal-ku-galka Sonaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo.

Wali Somaliland wax war ah kaam soo saarin Xildhibaanka u xiran sidoo kalena ah Murashax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in Mas’uuliyiinta Somaliland ay ka hadlaan Xarigga Xildhibaanka.

Sidoo kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan safarka Musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ku tegay Caasimadda Somaliland iyo xarigiisa.

Inta badan ma dhacdo in Mas’uul xil ka haya Dowladda Soomaaliya uu tago Hargeysa, Xitaa waxaa adag  in Mas’uuliyiinta u dhashay Gobolada Waqooyi ee Xilalka ka haya Dowladda federaalka in ay tagaan Somaliland

Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo Hargeysa Lagu Xiray

29,November, 2020 “

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu gaaray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in Xildhibaan Mustaf oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka amniga Magaalada Hargeysa ay gacanta ku dhigeen, isla markaana xabsiga laga dhigay, kadib markii uu kasoo degay diyaarad uu la socday oo ka degtay Garoonka.

lama oga sababta uu u gaaray in Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa la sheegay in lagu xiray xabsi ku yaalla halkaas, sida aan wararka helnay.

Sidoo kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan safarka Musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ku tegay Caasimadda Somaliland iyo xarigiisa.

Leave a Reply