Musharaxiinta Madaxweynaha oo Kulan La Leh Qaar Ka Mid Ah Danjirayaasha Dalalaka Caalamka Ee Ku Sugan Somalia

23″ December ” 2020″ Muqdisho”

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xiligaan kulan la leh Wakiilada Beesha Caalamka gaar ahaan Safiirada dowladaha ee loogu yeero C6+, kaasi oo ku qabsoomaya aalada ZOOM-ka.

Kulanka Musharaxiinta iyo Safiirada dowladaha C6+ ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/21, xili weli uu taagan yahay muran xoogan.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Safiirada kala hadlaya caqabadaha ku horgudban hannaan doorasho loo dhan yahay iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay ka qabaan Guddiyada la magacaabay.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa shalay ka aqbalay Ururada Bulshada rayidka inay dhex dhexaadiyaan Musharaxiinta iyo dowladda Federaalka, si xal loogu helo caqabadaha ku horgudban doorashada.

Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Cismaan Tahliil Shaatax ayaa shalay caddeeyay in ay la kulmi doonaan Madaxda ugu sarreysa ee dowladda Federaalka, si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Musharaxiinta ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddiyada la magacaabay, isla markaana waxaa sidoo kale kasoo horjeeda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo weli aan soo magacaabin Guddiyada laga sugayo ee doorashada, iyagoona shuruudo ku xiray.

Leave a Reply