Musharixiinta Ku Shiraya Muqdisho oo Baaq Wada Jir Ah Soo Saaray

22 November 2020 Muqdisho

Murashiiinta u taagan Xilka madaxweyaha Soomaaliya ee Muqdisho ku shiraya ayaa soo saaray warqad ay baaq ugu dirayaan Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka ka dhisan.

XAYEEYSIIN “

Waxaana  ay Murashixiintu walaac ka muujiyeen Qaar ka mid ah Xubnaha  Guddiyada loo Magacaabay in ay doorashada ka shaqeeyaan, iaydo Mas’uuliyiintu ay sheegeen in dib u habeyn lagu sameeyp Guddiyada.

Murashixiinta ku shiraya Muqdisho ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyeen Guddiga ayna ogaadeen in ay ku jiraan Xubno ka tirsan Shaqaalaha rayidka Maamul Goboleedyada qaar, waxaan ay sheegeen taasi ay ka dhigan tahay in Xubnaha Guddiyada aysan buuxin shuruudihii lagu heshiiyay.

Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayay sheegeen Murashxiintu in Xubnaah ay soo magacaabeen ee heer Federaal ay ka tirsan yihiin Shaqaalaha rayidka.

Hoos ka Aqrisho Warqadda ay soo saareen Murashixiintu

Buruuj Construction Company Real State

Leave a Reply