Musharixiinta oo dib u dhigay bannaanbixii la filaayay

5″ March “2021” MUQDISHO-

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in ay baajiyeen banaanbixii ay ku dhowaaqeen, kaasi oo loo ballansanaa in uu maalinta berri ka dhaco taallada Dajirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan isku halleyn karin ammaanka, isla markaasna dowladda ay Ciidamo badan geysay Taalada Daljirka Daahsoon oo aheyd halkii la asteeyay in banaannabaxa uu ka dhaco.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xaaladda Coronavirus ee Soomaaliya ay darantahay.

Midowg musharixiinta ayaa sheegay in ay dib ka soo shaacin doonaan maalinta uu dhici doono bannaanbaxa.

Dawlada Federalka iyo Midowga musharaxiinta ayaa xalay isku fahmi waayay cidda sugaysa amaanka banaabaxayaasha

MAXAA SABABAY DIB U DHIGISTA DIBAD,BAXA?

Ciidamada DF oo xiray waddooyinka gala taallada Daljirka

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba xiray waddooyinka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka uBanaadir.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayaa in ay ka soo agdhawaadaan wadooyinka gala Taalada Daljirka Daahsoon.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Golaha Midowga Musharixiintu uu ku adkeystay in banaanbaxa uu ka dhacayo Taalada Daljirka Daahsoon, xilli Xukuumadda ay u jeedisay in loo bedalo Garoonka Cayaaraha ee Eng Yariisow Degamda Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Abaabulka Banaanbaxa ayaa ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo xubanaha musharixiinta ay kulamo la qaadanayaan taageerayaashooda.

Dhanka kale wasiirka amniga Soomaaliya ayaa goordhow lagu wada inuu la hadlo warbaahinta, lamana oga waxyaabaha uu kaga hadli doono shirka Jaraa’id, waxaana haatan xarunta wasaarada warfaafinta ku sugan wariyaasha

Leave a Reply