Muusa Biixi oo Digniin U Diray Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa farriin cad u diray hay’ado kala duwan ee ku sugan deegaanada maamulkooda, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo Somalialnd.

Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan Hay’addo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin kuwa Qaramada Midoobay oo howlo siyaasadeed ka wada deegaanada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa farriin cad u diray hay’ado kala duwan ee ku sugan deegaanada maamulkooda, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo Somalialnd.

Oo Digniin Culus U Diray Qaramada MidoobayMadaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan Hay’addo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin kuwa Qaramada Midoobay oo howlo siyaasadeed ka wada deegaanada Somaliland.AKHRISO

Waxaa uu sheegay in Hay’addaha sannadihii dambe ay u dhaqmayeen si siyaasad oo wax u dhimeysa Somaliland, isla markaana Hay’addaha deegaanada Maamulkooda ka fuliyaan amaro laga  siiyay Villa Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay kamid tahay Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa oo ay kamid yihiin hay’ado badan oo isku magacaabo samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga ururusada waxanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA, iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso, wakiilka qaramada qaramada midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawladd kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa” ayuu yiri Muuse Biixi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa digniin culus u diray Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya, isaga oo uga digay inay Somaliland la yimaaddaana awaamiir uu sheegay inay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Reply