18″ November “2022 “Hargeysa
Muuse Biixi ayaa ku jira tamashleeyn iyadoo Somaliland ay wajahday xiisad siyaasadeed oo sii xoogeeysaneeysa, xanuun aan la garaneeyn oo shacab badni dilay &壯陽藥 amp; sicir barar sii baahaya
Tan iyo markii asxaabta mucaardku ay soo saareen go,aano ay kaga horyimaadeen madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee maamulka Somaliland muuse biixi waxaa jiray cabsi iyo welwel laga qabo in xaaladu ay faraha ka baxdo iyadoo lays weeydiinayo Saamaynta Ka Dhalanaysa Go’aanada Ay Xisbiyada Mucaaridku Ka Qaateen Xukuumada muuse biixi
Shabakada Hadhwanaag ayaa daabacday ilaa Lix Qodob oo noqon kara saameeyn xun oo Somaliland ay wajahdo
Saamaynta dhawaaqan ka dhalan karaa waa mid dawladda ahaan iyo qaran ahaanba saameyn weyn ku leh Somaliland. waxaana ka dhalan kara qodobadan.
1- In amniga dalka ay saameyso, oo dadka qaar u fahmaan in wixii ay doonaan samayn karaa.
2- In kalsoonidii lagu qabay nabadgelayada Somaliland dhaawac soo gaadho, oo hay’addihii ka shaqayn jiray ay shaqada joojiyaan, shaqaalahooda la baxaan kuwa Ajaanibka ah.
3- In Madaxweynaha dalka qayb ka mid bulshadii uu maamulayey ayey yidhaahdaa kuma aqoonsanin, waa ceeb qaran weyn, sumcad
Xumo weyn dalka gaadhsiinaysa.
4- Dhaqaalihii Somaliland la siin jireen dalalka caalamku oo ay samayso, iyada oo imikaba uu khilaafku saameeyey oo la dhimay mashaariicdii miisaaniyadda 2023
5- In ay istaagaan mashaariic waa weyn oo la filayey in laga fuliyo Somaliland, sida mashruuca Shidaal ee la filayo 2023-ka iyo kuwa laga hir gelinayey Berbera.
6- kala qaybsanaantii bulshada Somaliland oo sii xoogeysta iyo codowga Somaliland oo fursad ka heli kara.
Somaliland:-Dhimashada dadka oo sii kordhaysa Iyo Sida looga Mashquulay Xanuunka aan la garaneeyn ee dadka leeynaya
Kororka Dhimashada iyo Muranka Siyaasada
Marka aad eegto tirsiga xabaalaha qaarkood waxaad arkaysaa in dhimashadu korodhay 100% ama 2 jeer. Tusaale ahaan bilihii ka horreeyay July ilaa August xabaalaha Baqiic iyo Haleeya waxa lagu aasi jiray celcelis ahaan 3 qof maalintiiba. Halka 20kii cisho ee u danbeeyay xabaalaha Baqiic oo kaliya lagu aasay ilaa 116 qof oo noqonaysa celcelis ahaan 6 qof maalintii.
Xabaalaha Halaya waa la mid oo celcelis ahaan waa 6 qof maalintii waayo 2dii toddobaad ee u danbeeyay waxa lagu aasay ilaa 84 ruux. Muddadii uu xanuunku socday waxa Baqiic oo kaliya lagu aasay ilaa 400 ruux, ka waran xabaalaha kalena?
Sida Somaliland Chronicle qoray dhakhaatiir magacooda qariyay ayaa qiray in dhimashadu ka badan tahay intii xanuunka laga filayay sababo la xidhiidha gaabis ka yimi dhanka wasaaradda Caafimaadka. Wasaaraddu ma ay samayn wacyigelin haboon iyo warbixino daahfuran oo tusaya heerka cudurka iyo dhimashada