Muuse Biixi Oo Istaagay Mawqif La Mid Ah Kii Uu Farmaajo Aaminsanaa Markii Uu Mudo Xileedkiisu Dhamaaday

13″ November “2022” Hadhwanaag

Mawqifyada Farmaajo iyo Muuse Biixi ee 8 February 2021 iyo 13 November 2022

Muuse Biixi oo wakhtigii la doortay ee sharciga ahaa dhamaanayo ayaa taagan mawqif la mid ah kii uu istaagay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo markii uu dhamaystay mudadii la doortay.

sida uu sheegay madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Farmaajo oo ka horyimid in laga heshiiyo doorashooyinka inta aanu dhamaan mudo xileedkiisu ayaa soo istaagay waxaan sugayaa 8 February 2021 waxa dhici doona Marka wakhtigii l犀利士 ay doortay dhamaado.

markii la gaadhay wakhtigaasna Siciid Deni ayaa sheegay in Farmaajo soo waydiiyey miyaad aragtay Hawiye madaxtooyada u soo daatay 8 February balse ugu danbayn qori caaradii ayaa lagaga horyimid mudo kordhintiisii oo lagu hirgeliyey doorashadii lagu saaray.

Muuse Biixi oo wakhtigii la doortay dhamaanayo ayaa isna hada taagan mawqif la mid ah kaas Farmaajo aaminsanaa, gudoomiyeyaasha golaha wakiilada iyo maxkamada sare oo la kulmay ayaanu ku soo yidhi waxaan sugayaa waxa dhici doona 13 November oo uu dhamaysanayo mudo xileedkii sharciga ahaa ee la doortay.

makula tahay in mucaaridku ay Muuse Biixi ku wajihi doonaan qaabkii Farmaajo lagaga hortagay mudo kordhintiisii?

Leave a Reply