Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo gelinkii dambe ee galabta ka dhacay duleedka Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Miinada ayaa la qaraxday gaari nooca dadweynaha saaraan oo ay la socdeen Arday waxka barata Iskuulka Ina Sanweyne oo ku yaalla Somaliland, waxaana halkaas ku geeriyooday Nin lagu magacaabi jiray Cali Ibraahim Sii-arag
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ibraahim Sii-arag oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Alle uga baryay ardaydii ku dhaawacan tahay qaraxaa miinada inuu caafimaad taama siiyo, isla markaana u boogo dhayo dhibaatadii soo gaartay qaraxaas.
Sawirro laga soo qaaday gaariga ay miinada la qaraxday laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in gebi ahaan uu gaariga burburay, kaasi ahaa Bus nooca dadweynaha raacaan.

Gelinkii dambe ee Maanta ayay ahayd markii qarax xoogan uu ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay duleedka degmada Balli-dhiig ee Togdheer, isla markaana waxaa ay la qaraxday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, xili uu mararay wadada.
Goobjoogayaal ayaa soo weriyay in qaraxaas uu ka geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray saddex qof oo kamid ah dadkii gaariga ka saarnaa qeybta hore, waxaana si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad