November 16 2020 Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo gunaanaday tartanka kubbadda cagta gobollada Somaliland oo maanta lagu soo gebogabeeyey garoonka Hargeysa Stadium, kaas oo ay ku guulaysteen xulkii ka socday gobolka Daad-madheedh.
Ciyaartan oo xamaasad iyo xiise gaar ah lahayd, islamarkaana ay taageerayaashii daawanayey u qushuuceen, ayaa kusoo dhammaatay laba gool oo ay la yimaaddeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Daad-madheedh iyo hal gool oo ay dhaliyeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Maroodi-jeex, waxana markii ay soo dhammaatay hadallo hambalyeeyey gobolka guulaystay iyo midka kaalinta labaad galay ujeediyey masuuliyiintii kala duwanayd ee goobtaas ku sugnayd.
XAYEEYSIIN “

Ugu horrayn wasiirrada wasaaradaha Dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo arrimaha gudaha, Boos Mire Maxamed iyo Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey kooxda guulaysatay, iyaga oo xulka kaalinta labaad galayna ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen, iyaga oo sidoo kalena ammaanay ciidanka Booliska iyo cid kasta oo gacan ka geysatay inuu tartankani nabadgelyo ku qabsoomo.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo uu u diray kooxda guulaysatay iyo midda kaalinta labaad gashay kaddib, waxa uu si guud u bogaadiyey dhallinyarada reer Somaliland, isaga oo mid mid carrabka ugu ballaadhiyey faa’iidooyinka kala duwan ee laga dhaxlo ciyaaraha, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan u hambalyeynayaa dhammaan dhallinyarada Somaliland meel ay joogaanba mid ciyaarayey, mid taageere ahaa iyo mid qaban-qaabiye ahaa, waxaynu baranay ciyaaruhu sida ay dadka isu dhexgeliyaan, waxaynu baranay sida nabadda u dhaliyaan, waxaynu baranay sida loogu firfircoonaada oo qaadka iyo balwadaha loogaga dheeraado, waxana aynu bilaabaynaa inay magaalooyinka waaweyn oo dhammi bilaabaan in sannadka oo dhan la ciyaaro oo aanay ciyaaruhu joogsan.”
XAYEEYSIIN “

Intaa ka dib, waxa uu madaxweynuhu koobkii ay ku guulaysteen guddoonsiiyey xulka kubbadda cagta ee gobolka Daad-madheedh, isaga oo sidoo kalena billadihii ay mutaysteen ciyaaryahannadii intii tartanku socday goolashii ugu badnaa dhaliyey, kuwii akhlaa-wanaagga iyo ciyaar-wanaagga la yimi, garsooreyaashii dedaalka dheeriga ah la yimi, tababarihii ugu wanaagsanaa tartankan, qaar kamid ah madaxdii ku dedaashay qabsoomidda tartankan, qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta, dawladda hoose ee Hargeysa iyo hoggaanka ciidanka Booliska, waxana halkaas kusoo dhammaaday tartankii koobka kubbadda cagta oo muddo labaatan maalmood ah soo socday
