Muuse Biixi & Siciid Ninba gaargiisa uga faa,iideysay Xiisada Laascaanood

14″ April “2023

Somaliland waxay putland ka qabsatay laascaanood 2007 dii waxayna u baahantahay waa dhulka ee ma aha dadka si ay u sii nooleeyso sheegashada gooni isutaaga ,Halka putland xiriir dhalasho kala dhaxeeyo dadka gobolada sool iyo sanaag ay dooneeyso Isxulufeeysi u yeeli kara aqlabiyad ay gorgortan ku gali karto habka awood qeeybsiga koonfurta somalia

Waana taas sababta hal magaalo oo gobolka sool ah iyadoo aysan Ku jirin gacanta putland ay hadana reer sool madaxweyne ku xigeen mustaqabalka la rajeeynayo in deegaanadiisa uu soo celiyo ay uga helaan putland

muuse biixi oo colaada laascaanood ka hor lagu heeystay mudo kordhin uu sameeystay ayaa dagaalka gobolka sool waxa uu ka dhigtay meel uu isaga jeediyo indhihii ku fooraray ee siyaasiinta mucaaradka iyo tan shacabka somaliland isaga ka faa,iiday in uu ku mideeyo dadkiisa iyo in aan laga la hadlin wax aan aheyn Somalilandta kala go,i rabta

Magaalada Laascaanod 3 bilood oo dagaal faraha looga gubtay ,barakac burbur iyo dhibaato bani,aadantinmo ka dib putland waxay xiisada gobolka sool u adeegsanaysaa inay ku lifaaqdo khilaafka kala dhaxeeya dowlada dhexe ee somali iyadoo aamusnaanta reer khaatumo ay ku filnaan karto raali,ahaanshahooda Eedeymaha aan loo meelka dayin maamulka dani uu jeedinayo dowlada Madaxweyne Xasan shiikh oo tan iyo markii ay xaafiiska timid u kaba gashatay sidii dalka uga sifeeyn lahayd Argagixisada shabaab

壯陽藥 ock-embed-twitter”>

Ka dib kala jiid jiidashada putlan iyo somaliland ooy Mudo dheer marti u ahaayeen deegaanada SSC dad badan waxay maleeynayeen in isku duubnida dhaqan iyo siyaasad ee dadka gobolka sool oo lagu kabay iska diidida kala gooynta soomaaliya in dadka dega deegaanadaasi ay ka dhigi doonto kuwo xaq u yeesha Inay u madax banaanaadaan aayo ka tashigooda laakiin taas badalkeed waxaa muuqda suurtagalnimada in ay sii ahaan karaan Aag ay ku muransan yihiin putland iyo somalialand

Dad badan ayay u cuntami weeysay sababta Hogaamiyaasha dhaqanka iyo madaxad maamulka khaatumo ee deegaanada SSC ay ugu Indha qarsanayaan taloobiyinka kuwo is dhigaya inay la jiraan ee isku dayaya inay qaloociyaan qadiyadii Soomaali-weeyn ee markii hore ay ku soo suuq galeen

Aamusnaanta garaadada iyo masuuliyiinta khaatumo state ee hadalada deelqaafka ah ee xubno ka tirsan maamulka putland oo ku hadlaya wakiilnimada SSC ayay dadka arimahan u dhuun daloola leeyihiin waxay marin habaaw ku keeni kartaa ujeedooinkii taageerada soomalida markii hore u soo jiiday