MUQDISHO” RADIODALSAN
Muuse Suudi Yalaxow oo ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira marxaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo.
Waxaa uu sheegay in shirka socda ay u muuqato in uu yahay hal dhinac ah, Farmaajo ayuu sheegay in uu wado kala qaybin iyo iska horkeenid Bulsho
Madaxweyne Maxamed cabdulalahi Framaajo ayuu sheegay in uu wato dano u gooni ah oo bulshada Soomaaliyeed aysan wax dan ah ugu jirin, Muuse ayaa intaas ku daray in Maadxweynuhu Uusan wax wanaag ah ka rabin dalka asagoo tusaalooyin usoo qaatay sida uu wax u wado Farmaajo iyo shirka la doonayo in uu ka furmo Muqdisho.
”Waxaan aragnaa Heshiis aan loo dhammeyn inuu meesha kasocda, Farmaajo ayaana wada dalkaanna wanaag kama uu rabo kaligiis waaye cidna kuma eedeyno” ayuu yiri Muuse Suudi.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Senator Muuse Suudi doorashooyinka soo aaddan, waxaa uu sheegay in dowladda ay la gudboon tahay in doorashada ay waqtigeeda kasoo hormariso oo ay hadda qabato, maaddaama aysan jirin xukuumad, waqtina ay qaadan doonto haddii la doonayo in la dhiso xukuumad cusub, xalka kale ee la gudboon dowladda ayuu sheeegay in uu yahay in Farmaajo uu si degd deg ah kusoo magacabo ra’iisul wasaare.