Madaxweynaha south Africa Ramaphosa ayaa ku baaqay in xaalada la dajiyo iyada,oo rabshadaha dalkaas ka jira lagu dilay muwaadiniin Somali ah

12″ July “2021

Ugu yaraan 6 ruux ayaa dhintay, halka tiro intaasi ka badan ay dhaawacmeen ka dib markii rabshado ay dhasheen xabsi u taxaabidda madaxweynihi hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

Alle ha u naxariisto dadka dhintay waxaa kamid ah afar dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi magacyadooda lagu kala sheegay Maxamuud Qoojo, Goosaar Ganeey, Mahad Ciise iyo Nuur Cali Sarjaan.

Sidookale waxaa jira dhaacayo kale oo soo gaaray dhallinyaro Soomaaliyeed

Warku waxa uu intaa kudarayaa in uu jiro khasaare hantiyadeed oo soo gaaray ganacsatada, ayada oo wali ay socdaan rabshadaha.

Booliska waxay sheegeen ilaa iyo hadda iney qabqabteen dad ka badan 200 qof ugu yaraan 6 qofna ay rabshadahaasi ku dhinteen.

Maxakmadda dastuuriga ee dalkaasi ayaa billowday dib u eegis ay ku sameyneyso 15-ka bilood ee xabsiga ah ee lagu xukumay, ee la xidhiidhay dacwaddi musuqa ee horay looga soo eedeeyey.

Kooxda shaqrci yaqaannada madaxweynaha waxay doonayaan in sharcigaasi la laalo.

Halka qaar ka mid ah taageerayaasha Zuma ay sheegeem iney mudyharaadyada sii wadayaan ilaa Zuma xorriyaddiisa loo soo celinayo

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha nafeed ee Soomaalida kasoo gaaraya rabshadaha ka bilowday qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika oo goobaha ganacsi lagu boobayo sidoo kale dadka lagu dilayo.

Soomaali badan ayaa iska xirtay goobahooda ganacsi iyagoona u cararay goobo ay uga bad baadi karaan rabshadaha socda, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha hada socda kusii faafaan goobo kale oo hada xasiloon.

Madaxweynaha south Africa Cyril Ramaphosa ayaa daganaan ugu baaqay dadka mudaharaadyada rabshada wata ka dhigaya Gauteng iyo KwaZulu Natal

Madaxweynuhu wuxuu kujiraa rikoodh isagoo ugu baaqaya degenaan wuxuuna uga digayaa canaasiirta dambiilayaasha ah in ay wajihi doonaan awooda buuxda ee sharciga maadama sharci darada lajoojinayo lana joojinayo dhaq dhaqaaqa inuu sii socdo,” ayay tiri madaxtooyadu.

“Inta badan dadka Koonfur Afrika uma dulqaadan karaan mana u dulqaadan karaan rabshadaha, burburinta hantida iyo qatar gelinta nolosha. Dadka waxaa lagu booriyay inay soo sheegaan dambiilayaasha iyagoo la wadaagaya fiidiyowyada falalka dambiyeed booliska.

Dadka waxaa sidoo kale laga codsanayaa inay fiiro gaar ah u yeeshaan waxa ay ku qorayaan baraha bulshada iyo inay ogaadaan in wadaagista wararka been abuurka ah ama waxyaabaha ku kicin kara rabshadaha iyo dhaca ay tahay dambi.

“Sidoo kale waa dambi in la haysto, la helo oo la isticmaalo alaab la soo xaday, ama in lagu dhex galo booliska marka ay gudanayaan waajibaadkooda

Leave a Reply