( 7- January-2024 ) Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda gooni isutaaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa waraysi uu siiyey telefishinka maxalliga ah ee Horyal waxa uu ku sheegay in uu xilkii iska casilay.
Cateeye ayaa sheegay inuu doonayo in uu dadka reer Somaliland la wadaago, “in aan maanta xilkaygii halkaas kusoo koobo oo aan iska casilo”.
Waxa uu is casilaadiisa la xiriiriyey heshiiskii is afgarad ee 1-dii bishan ku dhex maray Somaliland iyo Itoobiya magaalada Addis Ababa.
Heshiiskan muranka abuuray ayaa dibadbaxyo ballaaran ka dhaliyey meelo kala duwan oo guud ahaan Soomaaliya ka tirsan gaar ahaanna kuwa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan Somaliland.
Wasiir Cabdiqani Caateeye ayaa ka soo jeeda beesha Ciise ee degta Saylac, wuxuuna sheegay in umadda Soomaaliyeed ee diiday damaca Muuse Biixi iyo Itoobiya uu ku qalbi yahay, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan Xabashi iman doonin dhulka Soomaaliya.
“Waxaa isku casilay, sidaa ogtihiin madaxweynaheenu wuxuu heshiis la soo galay Itoobiya, wuxuu wareejiyey 20 KM oo ka mid ah badeena, arrinkaas si weyn ayaan uga soo horjeeda dhulka Soomaaliyeedna uma ogolaa karo Xabashi,” ayuu yiri wasiirka iska casilay xukuumadda Muuse Biixi.
Cabdiqani Caateeye wuxuu xusay in Itoobiya uu ku maqan yahay dhul hore oo Soomaalida ay ka dhacday, hadana uu ku jiro damac kale oo dhul Soomaaliyeed ay ku dhacayaan.
“Hadaan Soomaali nahay dhul hore ayaa nooga maqnaa Xabashida, cadowga koowaad ee umaddaan Soomaaliyeed waa Itoobiyaan, ninkii qeyb ka mid ah dhulkeena heystay in maanta uu badeena soo haweysto anigoo xukun joogana yeeli maayo, hadaan dibadda ka joogo xukuumadana waxaan yeeli doonaa wixii rag la gudboon, insha allah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Caateeye.