15- September-2023″
Tirada dhimashada daadadku ayaa kor u dhaaftay 11,300 oo qof oo ku dhuftay magaalo xeebeedka Derna ee Liibiya
Tirada dadka ku dhintay magaalada xeebta ku taal ee Derna ee dalka Liibiya ayaa kor u dhaaftay 11,300 oo qof, iyadoo ay socdaan dadaallada baadigoobka ah ee ka dhashay daadadka xooggan ku dhuftay dalkaas oo sababay duufaan waxyeello ba,an geystay sida ay sheegtay Bisha Cas ee Liibiya. Warbixin
Duufaantan ayaa daaha ka rogtay baylahda ka jirta dalka qaniga ku ah saliidda oo ay colaado ka jireen tan iyo sannadkii 2011-kii kacdoonkii lagu riday kaligii-taliyihii muddada dheer xukumayay Mucamar Al-Qadaafi.
Lamadegaanka oo isu beddelay bad
Duufaantu waxay wax ka badashay mapkii qariirada Liibiya dadkii ka badbaaday fatahaadda ayaa ka sheekeeynayaan dhacdooyin naxdin leh
Khubarada ayaa sheegay in musuqmaasuqa, dayactirka kaabayaasha dadweynaha oo liita, iyo sanado badan oo colaado siyaasadeed – iyadoo Liibiya ay u kala qaybsantay laba maamul oo iska soo horjeeda – ay dalka ka dhigeen mid si gaar ah u nugul oo aan u qalabayn wax ka qabashada Duufaanta Daniel
.Duqa magaalada Derna, Abdel-Moneim al-Ghaithi, ayaa sheegay in tiradu ay kor u dhaafi karto 20,000 marka loo eego tirada dadka la waayay ee ku noolaa xaafado uu cagta mariyay oo hada bada ka midka noqday
Bal qiyaas magaalo dhan oo toosaysa oo seexanaysa… iyada oo aan helin cunto iyo cabitaan.”
Marie el-Drese, oo ah sarkaalad ka tirsan Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press 10,100 qof oo kale in lagu la’yahay magaalada Mediterranean-ka. Maamulka caafimaadka ayaa horey ugu sheegay in tirada dhimashada Derna ay gaareyso 5,500. Duufaanta ayaa sidoo kale ku dishay ilaa 170 qof meelo kale oo dalkaasi ah
Daadadku waxay baabi’iyeen wax walba oo halkan ku yaal, oo ay ku jiraan dukaamada waaweyn, guryaha oo dhan, koronto iyo taawarro telefoon sidoo kale,” al-Darsi ayaa yidhi.
50 ka mid ah, daadadku waxay qaadeen ugu yaraan 20 guri oo tuulada ku yaal, ayuu raaciyay.
Derna ayaa ilaa hadda noqotay magaalada ugu daran kadib markii biyo xireeno ay buux dhaafiyeen magaalada, kuwaas oo soo saara壯陽藥 y tog biyo ah. Laakiin duufaantu waxay sidoo kale dadka ku dishay magaalooyinka Bayda, Susa, Um Razaz iyo Marj, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Othman Abduljalil.