Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
September 15, 2023
Weerarkii Laas-Gacamey ee saakay ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ka laheyd baajinta qorshe culus oo loo dajiyay howl-gal maanta ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku qaadi lahaayen Bacaadweyn.
Qorshahaan ayaa la sheegay in uusan wax isbeddel ah ku iman, xilli la fashiliyay shirqoolkii ay Shabaab ku rabeen inay waxyeelo ku gaarsiiyaan madaxdii heer federaal iyo maamul-goboleed ee ku sugnaa Laas-Gacamey.
Ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay qaadan howlgal culus, kaasi oo lagu qabanayo Bacaadweyn oo weli ku harsan gacanta kooxda oo muddooyinkii dambe lumisay deegaano iyo degmooyin muhiim ah
Iyada oo sidoo kale ay jiraan ciidamo dowladeed iyo kuwo deegaanka ah oo iyaguna u dhaqaaqay dhanka Camaara, halkaas oo ay weli argagixisada joogto.
Weerarkii saakay ayaa muujinaya baahida loo qabo feejignaan dheeraad ah, si gaar ahaaneed baahida loo qabo baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyo deegaanada la qabto, maadaama deegaanada laga saaray argagixisada ay u qeybsamaan qaar shacabkii ka barakaceen iyo kuwo ay shacabkii weli joogaan oo ayna kooxda raacin.
Deegaanada aanay dadka ka barakicin ayaa ciidanka dowladda Soomaaliya uga baahan baaritaan gaar ah, maadaama ay dhici karto inay magaalooyinkaas ku hareen dad weli daacad u ah oo la shaqeeya.
Isku soo wada duubo, dagaalka ka socda Galmudug ee lagula jiro Al-Shabaab ayaa wuxuu kaga duwan yahay midka deegaanada kale in madaxda ay furinta joogaan oo dhibta iyo dhaxanta la wadaagayaan ciidamka xoogga dalka iyo midka deegaanka.