Muxuu mutaysan karaa qofkii la dhuunta ama aan bixinin canshuurta iibka ee 5%

Shalay waxaa magaalada Muqdisho ka hirgalay hannaanka cusub ee qaadista Canshuurta iibka ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5%.

Dhawaan ayay dowladdu canshuurtan soo rogtay, taasoo qaar kamid ah dadweynaha Muqdisho ay ka hor yimaadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay telefishinka dowladda kahor hirgelinta ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid dib u habeyn loogu sameynayo canshuurta dadka laga qaado.

Ganacsatada Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa arrintaan qaaddacay iyaga oo aan shalay furin suuqa waxaana ay ku tilmaameen Canshuur lagu ciqaabayo.

Xasan Cabdi Axmed Xoogsade oo ah guddoomiyaha guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa BBC-da u sheegay in dadweynaha ay qaateen go’aanka ah in suuqo la xiro oo aysan jirin cid ku khasabtay.

“Dadku lama aysan qabsan canshuurtan waxayna qabeen cabsi badan sababtoo ah wax badan oo fikrad ah kama haystaan qaabkan elektaroonikada ah ee canshuuraha lagu qaadayo.”

Waxa uu sidoo kale BBC-da u sheegay: “Dadku waxa ay ku wareersan yihiin oo ay is weydinayaan, meeqaa iga go’aysa? Ma akoonkeyga ayay si toos ah uga go’aysaa lacagta? Ma aniga ayaa la i weydiinayaa marka waxaad mooddaa in baqdin badan ay qabaan

Dadka Soomaalida waa dad inta badan haysta dhaqamadii hore oo aan si fiican ula jaan-qaadin casriga iyo tignoolajiyadda cusub waxayna leeyihiin carruur iyo wayeel aan wax badan fahamsanayn marka waxay ahayd in bulshada ay wacyi-gelin iyo fahan ka haystaan, waxaana is leeyahay inay wacyi gelin siyaan cidda ay quseeyso gaar ahaan wasaaradda maaliyadda,” ayuu sidoo kale yiri guddoomiye Xasan Cabdi Axmed Xoogsade.

Maxay ka dhigantahay in dowladda ay shaaciso in ganaaxyo lagu soo rogo ganacsatada iyadoo weli ay arrinta canshuuraha ay ceyriin tahay?

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo saartay warqad ay ku shaacisay in uu ganaax la kulmayo qofka u hoggaansami waayo koontooyinka ganacsi. Warqadda ayaana sidan u qornayd:

1- Si waafaqsan Qodobka 36-aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga waxaa ganacsi kasta ku waajib ah inuu isticmaalo Koonto ganacsi (Merchant Accounts) dhamaan dhaqdhaqaaqyadiisa ganacsi ee iibinta badeecadaha iyo adeegyadda.

2- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu gadis kasto oo uu sameeyo ku daro qiimaha Canshuurta Gadidda (5%), oo ah qiimaha badeecadda ama adeegyadda uu iibinayo.

3- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu ku wareejiyo saraakiisha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda faah-faahinta koontooyinkiisa ganacsi (Merchant Account Details) ee ka furan shirkaddaha kala gedisan ee lacag-dirista si ay u sameeyaan diiwaangelin iyo xog-keydin.

4- Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin inuu dhaq-dhaqaaqyadiisa ganacsi u istic- maalo adeega ganacsiyada loo gaar yeelay (Merchant Accounts), waxaa ku dhacaya Ciqaabahaa soo socda si waafaqsan Qodobka 37aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga:

  • Ganaax maaliyadeed oo isugu jira ganaax aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xadgudub kasto oo u sameeyo ama ganaax aan ka yareyn Shan Boqol oo dollar Mareykan ($500) u hogaansanaan la’aan muddo hal maalin ah.
  • Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood (6 Bil) ah ama aan ka badneyn afar (4 sano) oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo Shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka Canshuuraha.
  • Ganacsigii sii joogteeya ku xadgudubka ama aan u hogaansamin isticmaalidda Koontadda Ganacsiga (Merchant Account) Waxaa la xirayaa xaruntiisa ganacsi.
Dr Shaafici Shariif Maxamed
Qoraalka sawirka,Dr Shaafici Shariif Maxamed oo ka faallooda arrimaha dhaqaalaha

“Habeen hore dowladda waxa ay sheegtay inay la kulantay ganacsatada oo ay isku afgarteen inay ganacsatada oggolaatay inay dadka wax ka iibsanaya ka jaraan canshuuraha ama ay dhaqan-geliyaan, laakiin sida aan aragnay ficilkii shalay dhacay ee ahaa in suuqa bakaaraha uu shalay u xirnaa arrintaas waxay muujineysay in ganacsatada aysan weli oggolaanin, sidoo kale shacabka qudhooda marka aad fiiriso hadal heynta ugu badan waxay ahayd canshuuraha, waxaana muuqatay inay ka soo horjeedeen marka shacabkaiyo ganacsatada waxaad mooddaa inay hal dhinac yihiin taas oo ka soo horjeedda hadalkii dowladda ee ahaa inay oggolaadeen,” ayuu yiri Dr Shaafici Shariif Maxamed oo ka fallooda dhaqaalaha.

“Dabcan dowladda waxa ay dadka ama ganacsiga aan fulin ugu hanjabtay inay ganaax lacageed iyo xabsi ay muteysan doonaan marka dowladda waxa ay dareensan tahay in dadka ay bilaabeen inay ka soo horjeestaan marka waxaa suurtogal ah in dadka ay isticmaalaan wax ka duwan adeega ganacsiyada loo gaar yeelay (Merchant Accounts) oo ay taleefoono lacagta isugu diraan, dabcan marka dowladda iyadoo taas ka sii afeeneyso ayay ganacsatada iyo dadka uga digeysaa inay sameeyaan waxaase xusid mudan in dooro aysan qoorqabad biyo ku cabin taas oo macneehdu yahay inaan awood lagu maquunin”.

Sidoo kale Dr Shaafici ayaa sheegay in baddalkii awood loo adeegsan lahaa dowladda looga baahnaa in dadka wacyi gelin loo sameeyo maadaama dadka aanan markii hore la wacyi gelinin oo ay halmar dowladdu sheegtay inay bilaabeyso canshuurta.

Waxa uu sheegay inay tahay in arrintani ay u baahan tahay ka fiirsasho badan maadaama shacabkii iyo ganacsatada qaar ay ka soo horjeesteen, isagoo sidoo kalana xusay xitaa in baarlamaanka ay codsadeen in la hor keeno oo xubno ka mid ah ay mooshin ka keeneen.

Canshuurtan ma waafaqsantahay shuruucda dhaqaalaha?

Canshuurta iibka
Qoraalka sawirka,Canshuurta iibka

“Dabcan marka laga hadlayo in la bixiyo canshuurta iibka ee VAT adduunka oo dhan waa ay ka jirtaa oo Soomaaliya keliya ma aha, waddamo badan waa ay dhaqan-geliyeen laakiin arrinta la xiriirta sharci ahaanteeda, haddaba barlamaanka waxaa ka jirta dood la xiriirta waxa uuna codsaday in lagu soo daro doodda soo aaddan ee kulankooda iyadoo xildhibaano badan ay sheegeen in baarlamaanka aan la soo marsiin, marka waa arrin sharci dejinta iyo dowladda aanay weli isku afagarinin, doodda xigta ee baarlamaankana waan arki doonnaa halka ay u janjeersato,” ayuu yiri Dr Shaafici.

Waxa uu sidoo kale sheegay in marka ay timaaddo qaadista canshuurta iibka ay jiraan waddo dadka ka qaado iyo kuwan aanan ka qaadin iyadoo ku xiran tahay dhaqaalaha waddanka.

Tallaabo noocee ah ayaa dowladda u furan si arrintan xal looga gaaro?

Dr Shaacifici waxa uu sheegay in dowladda ay laba tallaabo u furantahay.

1. In gebi ahaanba ay laasho amaba ay meesha ka saarto canshuurtan muranka badan dhalisay maaddaamaa shacabkii, ganacsatadii , iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay ka soo horjeesteen ayna u muuqato mid keeni karta khal-khal dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

2. Haddii laga fursan waayo waxaan is leeyahay in la dhimo boqolleyda “Percentage” oo aad u badan marka loo fiiriyo dadka dhaqaalahoodu yar yahay lagana dhigo boqolkiiba labo iyo wixi ka hooseeya.