Muxuu salka ku hayaa dagaalka ay ku lug leedahay Danab ee ka dhex qarxay ciidanka dawladda?

5- November-2023

Tan iyo shalay waxaa magaalada Jowhar ee caasimadda dawlad goboleedka Hirshabeelle ka jiray xiisad u dhaxeysay ciidamada Hirshabeelle iyo kuwa kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Labadaan ciidan ayaa dagaal ku dhexmaray shalay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, kadib markii gacan qaad uu dhex maray ciidamada oo ay xiisad hore ka dhaxeysay.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inay jiraan labada dhinac, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Laakiin saaka ayuu wali jiray walaac ay muujinay犀利士 een qaar kamid ah dad deegaanka, kaas oo ku aadanaa in mar kale dagaal ka qarxo labada ciidan dhexdooda

Sidee ku bilaabatay xiisaddaan?

Sida ay BBC u sheegeen dad xog ogool ah oo ku sugan magaalada Jowhar, maalintii jimcaha ayaa ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaano Ciidanka Madaxtooyada ee Hirshabeelle waxay askari ka tirsan ciidamada Danab ku toogteen gudaha magaalada Jowhar, mid kalana waa ay ku dhaawaceen. Ma cadda sababta ka dambeysay toogashadaas. Sidoo kale waxaa la sheegay in rasaas ay rideen ciidamada Hirshabeelle uu ku dhintay qof kale oo shacab ah.

Intaas ka dib ayaa shalay xilli uu safar u baxayay gudoomiyaha baarlamaanka ee Hirshabeelle, Cabdixakiin Luqmaan oo la sheegay inuu u socday magaalada Muqdisho, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jowhar u galbiyay ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada Hirshabeelle, waxaana meel u dhaw garoonka diyaaradaha uu dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka Danab.

Dadka qaar ayaa ku sifeeyay in Danab ay dooneysay inay aar gudato.

Ciidanka Danab ayaa saldhig ku leh garoonka diyaaradaha ee Jowhar, iyaga oo qayb ka ah dagaalka ay dawladda Soomaaliya kula jirto ururka al Shabaab ee ka socda meelo kamid ah dawlad goboleedka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha baarlamaanka ee Hirshabeelle wuxuu ku eedeeyay ciidamada Danab inay ay weerar ku soo qaadeen kolonyada isaga galbineysay.

“Ciidankii waxay nagu bilaabeen rasaas, sabano ayay na huwiyeen, waxaanan fileynin ayaa meesha naga qabsaday,” ayuu yiri Luqmaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Danab, balse wasaaradda gaashaandhigga ee Soomalaiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay dagaalka ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha.

“Taliska ciidanka xoogga iyo maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay bilaabeen baaritaanka falkaas, waxaana si degdeg ah cadaaladda loo horgayn doonaa ciddii ku lug yeelata dhacdadaas,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin una hurayaan Naftooda difaaca dadka, dalka iyo diinta. Falkasta oo intaas liddi ku ah ma ahan mid matala habdhaqanka iyo anshaxa ciidanka xoogga Soomaaliyeed.”

ciidanka Soomalaiya

Waa sidee xaalka maanta ee Jowhar?

Wali waxaan xal laga gaarin xiisadda labada ciidan, waxaana jirta cabsi ay qabaan qaar kamid ah dadka shacabka ah. Balse sida ay noo sheegeen laamaha amniga ee Hirshabeelle, waxaa jirta waan waan lagu doonayo in lagu kala dhex galo ciidanka.

Dhanka kale, waxaa Jowhar gaaray wafdi ka socda dawladda faderaalka Soomaaliya oo kulamo la leh xubno masuuliyiin ah oo ka tirsan dawlad goboleedka Hirshabeelle. Ujeedka ayaa lagu sheegay inay dhexdhexaadinayaan labada ciidan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle oo shalay ka baaqday safarkii uu ugu socday magaalada Muqdisho ayaa ku sugan gudaha Jowhar. Uma aysan suuragalin isaga iyo kolonyadiisu inay gaaran garoonka diyaaradaha.

Ciidamada Danab ayaa ku sugan saldhigooda ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Jowhar, halka ciidamada Hirshabeellana gaar ahaan kuwa madaxtooyaduna ay ku sugan yihiin fariisimahoodii ay ku lahaayeen gudaha Jowhar.

Leave a Reply