9″ March ” 2021″ MUQDISHO”
Shirka u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in todobaadkan uu ka dhaco Muqdisho, iyadoo shirkaas ay fududeynayaan Safaaradda Mareykanka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey.
Shirkan ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo aheyd halkii ay doorashada 8 February ka dhacday, waxaana in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM wuxuu ka mid ahaa shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qeyb galkooda shirka.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Muqdisho imaanaya labada maalin ugu soo horeysa berri illaa berri dambe. Waxaa deegaan looga diyaariyay xeyndaabka Garoonka diyaaradaha ee ay ilaaliyaan Ciidanka AMISOM.
Sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo safar ugu maqan Turkiga ayaa iyagana kama dambeys Arbacada la filayaa inay Muqdisho ku soo laabtaan.
Shirka iyo Shuruudaha ku xeeran
Madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa ku fashilmay saddex jeer oo shir isugu yeeray dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, martiqaadkaas oo ahaa kaddib 8 February waxay dhaliyeen su’aallo ku aadan awooddiisa hoggaamin, maadaama muddo xileedkiisa Dastuuriga uu dhammaaday, iyadoo ay shuruud ku xireen shirka inay ka soo qeyb galaan Madaxdweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in shirka uu kaliya noqdo Xaflad saxiix ah qodobadii xalka looga gaaray ee Shirkii Guddiga Farsamada Baydhabo.
Hase ahaatee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa saddex qodob shuruud ah soo bandhigay sida in Madaxweyne Farmaajo saxiixo 1- Warqada xil gaarsiinta (Caretaker), 2- In wixii sharciyad ee la ansixiyay kaddib 27 December laga laabto 3- Amniga Doorashooyinka laga hadlo kaddib wixii dhacay 19 February