Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika Ooy Ku Dhawaaqaday Xldhibaan Fowsiyo ?

29- Feb-2024- Muqdisho

Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tahay murashax u taagan xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, oo doorashadiisa la qaban doono 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda.

Marwo Fowsiyo ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay xilkan, iyadoo xustay in qofka xilkan qabta uu faa’iido u horseedi karo dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxay intaas ku dartay: “Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya.”

Xildhibaan Foosiya ayaa hadalkeeda ku soo gebegabeysay in Soomaaliya fursad aad u sarreysa ay u leedahay hanashada xilkan haddii lagu bixiyo dadaal ku filan.

Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika?

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan booskan usoo sharraxday xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo hore usoo noqotay raysal wasaare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay magaalada Muqdisho, ayay Fowsiya si rasmi ah ugu shaacisay musharraxnimadeeda guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Fowsiya, oo ah siyaasi muddo dheer kusoo dhex jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta.

Musharraxa kale ee kurisga madaxtinnimada guddigan kula tartamaya Fowsiya ayaa ah raysal wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga.

Doorashada xilkan ayaa lagu wadaa inay qabsoonto shirka xiga ee AU, oo la filayo in la qabto inta u dhaxeysa bilaha January iyo February 2025.

Xilkan ayaa waxaa haatan haya Moussa Faki, oo kasoo jeeda dalka Chad. 壯陽藥 Musharraxiinta ayaana codsiyadooda musharraxnimo gudbin doona bisha May ee sanadkan.

Leave a Reply