Muxuu yahay hehiiska Sacuudiga ee OPEC ay deynta uga cafisay Soomaaliya ?

29-June-2024-BBC

Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36 Malyan oo ahayd deyntii Sanduuqa OPEC uu Soomaaliya ku lahaa, lacagtaan ay Dowladda Saudi Arabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (Bridge Loan). Sida lagu daabacay bogga Al-Carabiya.

Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa qeyb libaax leh ka qaadatay Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada xaajoodka deyn cafintaan xalka looga gaaray iyo habkii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Soomaaliya ku matalalay kulankaas oo ka dhacay magaalada Vienna ee magaalo madaxda dalka Austria.

Dhanka OPEC waxaa heshiiska ku matalayay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Cabdulhamid Alkhalifa xilli uu goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Sacuudi Carabiya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri, “Waxa aan heshiis ka gaarnay Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”. Sida ay qortay Garowe Online.

Maxay tahay deyntan?

Dr Shaafici Shariif

XIGASHADA SAWIRKA,DR SHAAFICI

Qoraalka sawirka,Dr Shaafici Shariif

“Waa deyn ay Soomaaliya qaadatay toddobaatameeyadii ilaa siddeetameeyadii xilligii dowladdii kacaanka waxaana ku lahaa waddamo ama shirkado kala duwan oo ay u weyn yihiin koox loo yaqaano Paris Group ah oo waddamo isu tagay, waxaana horkacayay deyn cafinta Soomaaliya IMF iyo Bankiga Adduunka, marka sannadkii dhamaaday waxaa Soomaaliya laga cafiyay lacag dhan 4.5 milyan oo doollar, laakiin wixii ka dambeeyay waxaa soo baxayay oo deynta qeyb ahaan ku lahaa dhinacyo kale kuwaas oo aanan ku jirin Paris Group,” ayuu Dr Shaafici shariif Maxamed oo falanqeeya arrimaha dhaqaalaha.

“Waxaa jiray waddamo kale oo Soomaaliya ka cafiyay deymihii ay ku lahaayeen, tusaale sannadkan dhexdiisa Ruushka ayaa Soomaaliya ka caifiyay deyn uu ku lahaa ka dib shirkii xiriirka Ruushka iyo Africa, sidaas si la mid ah Ingiriiska ayaa bil iyo bar ka hor ku dhawaaqay in Soomaaliya lacagtii uu ku lahaa ka cafiyay haddana waxaan arkaynaa OPEC oo ku dhawaaqday in 36 malyan ay iyadana ka cafisay dabcan waddamo kalana waa ay soo bixi doonaan,” ayuu sidoo kale BBC-da u shaagay Dr Shaafici.

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay deyntaan laga cafiyay?

Lacag

Heshiiskan magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo sida la sheegay wadxaajood iyo heer kala duwan soo maray ayay khuburadu sheegeen in Soomaaliya ay uga dhigan tahay inay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka noqoto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika.

“Waxay fursad u tahay oo Soomaaliya uga dhigan tahay in lacagaha laga cafiyo, dabcan waddan lacag lagu leeyahay sidiisaba lacag kale lama deymin karo, kii lacag kugu lahaana lacag kuma deyminayo, kii aan kuugu lahayna xataa hadduu ogaado in deyn laguugu leeyahay kuma siinaayo marka Soomaaliya laba fursadba waa ay heleysaa oo kuwii hore deynta ka cafiyay waxay ka heli karaan deyn cusub kii aan lacag ku lahayna marka uu ogaado inaan Soomaaliya deyn lagu lahayn waxa uu siinayaa deyn,” ayuu yiri Dr Shaafici

“Middaan OPEC sida gaarka ah u quseeysa, waxay leeyihiin sanduuq loogu talagay mashaariicda hormarinta oo aan ahayn arrimaha saliidda kaas oo loogu talagalay waddamada dhaqaalahoodu hooseey, marka Soomaaliya awood uma lahayn markii hore ay ku codsato dhaqaalaha OPEC ee hormarinta maaddaama ay ku jirto “Black list” ama liiska Madow sidaas darteed ma codsan karin lacago cusub inay hesho, marka hadda waxay fursad u heshay inay lacag cusub ka codsan karto OPEC taas oo loo isticmaali karo mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya,” ayuu yiri sidoo kale Dr Shaafici.