27″ March “2022” DOHA
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaasiinta Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar.
Mahdi Guuleed oo Magaalada Dooxa kaga qayb galaya Meertada 20-aad ee Madasha Doha Forum, ayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani si diirran u soo dhaweeyey
Amiirka Dowladda Qatar ayaa Mahdi Guuleed uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u soo ajiibeen marti qaadkii uu u fidiyey iyo ka qeyb qalkooda ku aadan Meertada 20-aad ee Madasha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo wafdigiisu ayaa waxaa ay Maanta Madasha Dooha Forum ku soo bandhigi doonaan aragtida Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay in adduunku iskaashi buuxa ka yeesho sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka cimilada adduunka, wasakhowga hawada iyo kulaylka meeraha oo ka sii daraya.