22- Aug-2023- Dhuusamareeb”
Helitaanka hogaan u taagan howlgalinta Ciidamada si uu shacabkiisa uga dulqaado heeryada dulinimo ee argagixisada waxay aheyd in mudo ahba mid ku jirta meel hoose marka laga hadalayo Somalia oo loo kaxeeyo duni nabdoon oo sareynta sharcigu uu yahay aasaaska ay dowladnimadeedu ku qontonto
Dad badan ayaa laga yabaa inay ku adkeyd yididiilada maanta hortooda ka muuqata Inay soo dhaafsiiyaan riyo iyo mala,awaal ka hor Xukuumada “Dan-Qaran” ee Raysilwasaare Xamza oo la timid qorshe Amni oo ahmiyad gaar ah siinaya sidii gacanta dowlada loogu soo celin lahaa dad degaano balaara oo Somali ah oo mudo dheer ku hoos jiray cadaadiska Argagixisad Alshabaab.
Madaxweynaha Xasan Sheekh oo ku howlan xaqiijinta Somali xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa haatan Ciidamada Xooga Dalka u jiheeyay inay gutaan waajibaadkooda qaran, Ciidamada ayaa xoojiyay gulufkooda ku wajahan burburinta kooxda Alshabaab oo ah cadow isu soo baheeystay colaad ka dhan ah jiritaanka Ummada Soomaaliyeed.
Ciidamada oo kaashanaya dadka Soomaaliyeed ayaa wajahay cadowga, iyadoo qorshahu yahay cirib tirka Argagixisada Galmudug ku harsan in lagu soo gabagabeeyo wajiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo dalkeena #Somalia