7″ May” 2023″ Muqdisho
Madaxweyne HSM, dhowr jimco ayuu ka hadlay qodobka Musuqmaasuqa iyo shaqsiyaadka Dowladda ku jira ama xilalka horey u soo qabtay ee boobay hantida Umadda, kagana dhistay daaraha waaweyn dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, qaarkoodna ay ganacsiyo ku furteen.
Dhamaan dadkaas waa layaqaanaa iyaga Iyo hantidoodaba, waxeyna isugu jiraan, 🇸🇴, Wasiiro, Gudoomiyayaal Baarlamaan, Xildhibaano, Taliyayaal, Agaasimayaal, iyo masuuliyiin kale oo qaarkood ay hada xilal hayaan, qaarkoodna ay horey xilal u soo qabteen, laakiin Madaxweyne wax macno ma sameyneyso inaad maalin walba ku celceliso ka hadalka musuqmaasuqa, balse waxaa micno weyn sameynaya marka aad toos u abaaro boogta, .Xitaa badankood uma baahna baaris dheer, maxaa yeelay waa leys wada yaqaanaa doraad, shalay iyo maantaba, shacabkuna waa marqaati,
Tankale, Madaxweyne marka aad ku dhiirato inaad dhisto Gudiga hanti soo celinta, oo la arko dad waaweyn oo Musuqmaasuq loo soo xiray, lagana soo celiyay hantida Umadda, markaas ayuu ka hadalka Musuqma犀利士 asuqa ee aad ku celcelineyso xiiso yeelanayaa, markaas ayeyna dad badan oo hada hadalkaaga u heysta in uu yahay “Hadal wedkii galay,” ay rumeysan doonaan iney dhab kaa tahay ladagaalanka Musuqmaasuqu.
Waan hubaa Madaxweyne hadii aad tilaabadaas ku dhaqaaqdo in ay si weyn u soo dhaweyn doonaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay hada kadib xilalka dowladu noqon doonaan kuwo laga cararo oo aan lagu soo degdegin, Adigana waxey kuu noqon doontaa diiwaan taariikhda kuu gala, madaxda talada dalka kaaga dambeysa waxey u noqon doontaa cashar ay
Kaa bartaan oo ay kaaga deydaan. Mise lama gaarin waqtigii isla xisaabtanka. ee waxaa la joogaa waqtigii is kilkileynta.
By/ Abdulkadir Dulyar