Naxdinta Dhul-gariir kale oo cusub oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ayaa ku dhuftay gobollo horey u burburay

20″ Feb “2023” AFP” Aljazeera”BBC

Naxdinta Laba ruxasho oo Dhul-gariir kale ah oo caawa fiidkii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ayaa ku dhuftay gobollo horey u burburay Dheeho.com

Laba ruxasho oo cusub oo xoog badan ayaa ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya, iyadoo labada waddan ay weli la ciirciirayaan dhulgariirkii 6-dii February oo ay ku dhinteen ugu yaraan 44,000 oo qof.efforts here

Dhulgariirkan cusub oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.4 ayaa ku dhuftay xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Suuriya, waxaana dhul gariirkan uu gaaray 2km oo kaliya (1.2 mayl).

Carada, Murugada, Welwelka’Nabarrada, Soo bogsanayay ee dhibbanayaasha dhulgariirka Turkiga & Suuriya ayuu danqiyay Gariirkan cusub Inkastoo ilaa hadda aysan caddeeyn khasaaraha uu geystay

Hay’adda masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah ee Turkiga Afad ay sheegtay in gariirku uu dhacay 20.04 xilliga maxalliga ah (17.04 GMT) Goobjoogayaal ayaa sheegaya in labada ruxasho ee dhulgariirkan sidoo kale laga dareemay dalalka Suuriya, Masar iyo Lubnaan.

Gobolada Hatay iyo Antakya ayaa arkay dhulgariir kale oo dhibaateeyay dadkii ka badbaaday dhulgariiradii khasaaraha badan dhaliyay ee laba todobaad ka dhacay dalalka Turkiga iyo Suuriya, Duqa magaalada Hatay ee koonfurta Turkiga ayaa aljazeera u sheegay inay dad ku hoos jiraan burburka dhulgariirka caawa fiidkii ka dhacay turkiga

Goobjoogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uu jiro burbur kale oo soo gaaray dhismayaal ku yaalla Antakya.

Xarunta Seismological Seismological Center ee Yurub ayaa sheegtay dhul gariir kale oo cabirkiisu ahaa 5.8 magnitude in uu daqiiqado kadib ka dhacay meel aan ka fogayn kii ugu horeeyay ee ka dhacay gobolka Hatay.

Hatay ayaa ku taal badda Mediterranean-ka, waxaana hay’adda musiibooyinka Turkiga ay sheegtay in heerka baddu uu kor u dhaafi karo 50cm, isagoo uga digay dadka inay ka fogaadaan xeebaha

Dhulgariirradan danbe ee ku dhuftay Koonfur-bari ee Turkiga iyo waqooyi-galbeed ee Suuriya ma aha oo kaliya inay sababayaan dhimasho iyo burbur balse waxay sidoo kale dhaawac weyn u geysanyaan dadkii ka badbaaday kii hore wariye ka tirsan BBC ayaa goor dhoweeyd sidaas ku soo waramay, iyadoo M/weyne-ku xigeenka Turkiga uu wariyaasha u sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhaawacmeen dhulgariirkan danbe oo la filayo inuu ka khasaare yaraado kii laba todobaad ka hor dhacay

Weriye ka tirsan AFP ayaa soo sheegay muuqaalo argagax leh oo ka dhacay Antakya – oo ay hore uga xumaadeen dhulgariirkii hore – iyadoo gariirkii ugu dambeeyay uu kor u qaaday daruuro boor ah oo magaalada ah.

壯陽藥 Derbiyada dhismayaashii sida xun u burburay ayaa sidoo kale sii kala daatay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, iyada oo dad badan oo dhaawac ahi ay dalbadeen gargaar.

Ali Mazlum ayaa sheegay in uu raadinayay meydadka xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku dhintay dhulgariirkii hore markii uu kii uu la kulmay naxdinta dhulgariirka caawa dhacay

Magaalada Antakya ee xarunta gobolka Hatay ee dalka Turkiga ayaa ka mid ah meelaha uu sida ba’an u saameeyay dhulgariirkii 6-dii February ka dhacay dalkaasi.

Afad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku booriyay dadka in ay ka fogaadaan xeebaha si ay uga taxadaraan khatarta sare u kaca heerka badda, inkastoo digniinta markii dambe meesha laga saaray.

Suuriya, kooxda difaaca madaniga ah ee Koofiyadaha Cad ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen dhismayaal soo dhacay.

Leave a Reply