New York iyo San Francisco ayaa soo saaray digniinaha busbuska iyadoo kiisasku ay sii kordhayaan Mareykankana waxa uu wajahayaa yaraanta tallaalada Monkeypox

29″ July 2022″ Aljazeera

New York iyo San Francisco ayaa soo saaray digniinaha busbuska iyadoo kiisasku ay sii kordhayaan Mareykankana uu wajahayo yaraanta tallaalada.

Maamulka New York ayaa sheegay Khamiista in fayrasku “uu ka dhigan yahay khatar ku soo fool leh” caafimaadka dadweynaha ee gobolka oo dhan. Guddoomiyaha caafimaadka Mary T Bassett ayaa sheegtay in caddayntu ay caawin doonto waaxaha caafimaadka ee ku hawlan wax ka qabashada iyo hawlaha ka hortagga “si ay u helaan lacag celin dheeraad ah oo Gobolka.

Dhanka kale, magaalada San Francisco, California, mas’uuliyiintu waxay ku dhawaaqeen Busbuska “xaalad deg deg ah oo caafimaadka bulshada deegaanka ah”. Duqa magaalada London Breed ayaa sheegay in halista cudurku ay hoos u dhacday, balse ku dhawaaqista dhaqan galeysa 1-da Ogosto ay gacan ka geysan doonto abaabulka agabka.

“San Francisco waxay muujisay intii lagu jiray COVID in tallaabada hore ay muhiim u tahay ilaalinta caafimaadka bulshada,” Breed ayaa bayaan ku sheegay Khamiista.

“Waan ognahay in fayraskani uu si isku mid ah u saameeyo qof walba – laakiin sidoo kale waxaan ognahay in kuwa bulshadeena LGBTQ ay hadda halis weyn ugu jiraan.”

Dhowr toddobaad ka hor, Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee San Francisco waxay codsatay 35,000 oo tallaal ah si ay u bilaabaan inay helaan kuwa halista ugu jira inuu ku dhaco fayraska. Ilaa hadda, saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, waxa aan si dirqi ah u helnay 1/3 ee codsigaas… waxaan u baahan doonaa in ka badan 35,000 oo tallaal ah si aan u ilaalino bulshadeena LGBTQ iyo in aan hoos u dhigno fiditaanka fayraskan

Busbuska daayeerku waa fayras caadi ah oo fudud kaas oo keena qandho iyo sidoo 犀利士 kale finan bararsan oo gaar ah. Wuxuu ku faafaa xiriir dhow, waxaana inta uu cudurkan dillaacay, khubaradu sheegeen in fayraska lagu arkay tiro aan la qiyaasi karin oo ragga ah oo u galmooda. Busbuska looma yaqaan inuu yahay fayras lagu kala qaado galmada, laakiin xidhiidhka galmadu wuxuu noqon doonaa xidhiidh dhow, mid ka mid ah dariiqyada ugu muhiimsan ee fayrasku ku faafo.

Toddobaadkii hore, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay  dillaacay “xaalad degdeg ah oo caafimaad dadweyne oo walaac caalami ah leh”, calaamad loo qorsheeyay in lagu dhawaaqo qaylo-dhaan ah in jawaab caalami ah oo la isku dubariday loo baahan yahay oo furi karta maalgelin iyo dadaallada caalamiga ah ee la iskaga kaashanayo wadaagga tallaalada iyo daawaynta.

Arbacadii, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ayaa ugu baaqday kooxda khatarta koowaad leh – ragga u galmooda ragga – “inay xaddidaan lammaanahooda galmada”.

Maamulka San Francisco ayaa sheegay in aysan dhaqan gelin xayiraadaha dhaqanka ama tillaabooyin la mid ah kuwii la qaaday intii lagu jiray cudurka faafa ee coronavirus

Leave a Reply