New Zealand: Ninkii Muslimiinta laayay oo maxkamad la Soo Taagay

VOASOMALI.COM

Magaalada Christchurch ee dalka New Zealand waxaa maanta oo Isniin ah ka bilaabatay dhageysiga maxkamadda Brenton Tarran oo Muslimiin ku laayay magaaladaasi.

Brenton oo u dhashay dalka Australia ayaa aaminsan sarraynta caddaanka, waxaana uu 15-kii March 2019, toogasho ku dilay 51 qof oo Muslimiin ah kuwaas oo salaaddii Jimcaha ku dukanayey masaajiddo ku yaalla magaaladaasi.

Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ah Soomaali.

Leave a Reply