Muxuu yahay khilaafka ka dhex dhashay Xuutiyiinta iyo Elon Musk?

Bilyaneerka Mareykanka ah Elon Musk ayaa ku dhawaaqay in uu adeega internet-ka ee Starlink uu ka hirgeliyay Yemen, taas oo ka dhigeysa dalkii ugu horreeya ee Bariga Dhexe ah ee hela adeeggan.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa cambaareysay ku dhawaaqistan, iyaga oo ku tilmaamay “khatar toos ku ah amniga qaranka iyo ku xadgudubka madax-bannaanida Yemen.”

Waxay sidoo kale sheegeen in tallaabadani ay qayb ka tahay “dagaalka ay Mareykanka ku hayaan Yemen,” iyaga oo dhanka kalena uga digay muwaadiniinta dalkaas in ay adeegsadaan adeeggan.

Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xuutiyiinta, Maxamed Al-Bukhaiti, ayaa ku sheegay barta X in safaaradda Mareykanka u dabbaaldegayso tallaabadan, taas oo xaqiijinaysa xidhiidhka u dhexeeya iyaga iyo shirkadda Starlink, caddayna ay u tahay in tani u eeg tahay waddo kale oo “dagaalkii ay Mareykanka ku hayeen Yemen ah, taas oo halis gelin karta in colaadda la gaadhsiiyo heer illaa hawada sare ah.”

Dowladda Yemen, oo taageero ka haysata isbahaysiga milateri ee uu hoggaamiyo Sacuudiga, ayaa ogolaatay hirgelinta adeeggan bishii la soo dhaafay, waxayna sheegtay in hay’adda adeegga qeybinaysa ay bixin doonto “dhammaan adeegyadiisa oo dhan laga bilaabo iibinta qalabka, ka shaqaysiinta, iyo bixinta khidmadaha isdiiwaangelinta oo noqon doona qiimo macquul ah, iyo sidoo kale bixinta adeegyo kale oo ay ka mid yihiin taageero farsamo oo toos ah,” sida ay ku warrantay wakaaladda rasmiga ah ee wararka Saba

Tan iyo bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxay bilaabeen weeraro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, iyaga oo beegsanaya maraakiibta ganacsiga ee ku sugan Badda Cas, kuwaas oo ay u arkaan inay xidhiidh la leeyihiin Israa’iil ama ay u socdeen dekedaha Israa’iil, iyaga oo sheegay in arrintani ay tahay taageero loo fidinayo Falastiiniyiinta Marinka Gaza.

SpaceX, shirkadda ka dambeysa Starlink, waxay sheegtay in himiladeedu tahay bixinta adeegga internet-ka ee meelaha fog-fog, ee aan si wanaagsan looga adeegsan internetka ama ay masiibo ka dhacday, si loo hubiyo in dadka ku nool goobahaas ay xidhiidh sameyn karaan, helaan macluumaad, iyo adeegyada muhiimka ah.

In kasta oo ballaarinta adeegyada internet-ka ee dalalka sida Yemen ay ballanqaadeyso inay horumariso dadaallada bani’aadamnimo, fursadaha ganacsi, caafimaadka iyo waxbarashada, haddana suurtogalnimadan waxay wadataa halisyo iyo walaacyo la xidhiidha madax-bannaanida qaran, amniga iyo asturnaanta, iyada oo aysan jirin sharciyo cad oo ku saabsan isgaadhsiinta, iyo siyaasaddeynta adeegsiga.