Neymar ayaa sheegay in nafsi ahaan ay niyadiisa burburiyeen’ guuldaradii jimcihii xulka Croatia ee Koobka Adduunka

11″ December “2022” Aljazeera

Neymar ayaa sheegay in nafsi ahaan ay niyadiisa burburiyeen’ guuldaradii jimcihii xulka Croatia ee Koobka Adduunka Dheeho.com

“Niyad ahaan waa i burburay,” ayuu weeraryahanka reer Brazil ku soo qoray bartiisa Instagram-ka, kaasoo helay 18.8 milyan oo qof oo ka szoo hadlay

Ciyaaryahanka reer Brazil ee Neymar ayaa sheegay in ka harista xulkiisa ee Koobka Adduunka 2022 ka dib rigoorayaal ba’an oo ay kala kulmeen Croatia ay “si nafsiyan ah u burburisay” isaga.

Xulka Croatia ayaa Jimcihii ku garaacday Brazil ciyaar cajiib ah oo 4-2 rigoore ahaa rubuc dhamaadka taasoo keentay in Neymar uu ilmeeyo.

“Niyad ahaan waan burburay,” Neymar ayaa yiri Sabtidii. “Xaqiiqdii waa guuldaradii i dhaawacaday, ayuuna raaciyay Isaga oo leh waxay taasi iga dhigtay curyaan 10 daqiiqo ka dib ciyaarta, ka dib waxaan la ilmeeyay anigoo aan awoodin inaan joojiyo- guuldarada

Nasiib daro “Waxay noqoneeysaa nabar dhaawac ah oo igu yaal muddo dheer, ayuu yiri Neymar oo Bartiisa Instagram-ka ku daah-furay ereyo kor u qaaday in ka badan 18.8 milyan oo taageerayaal jecel ah iyadoo ay wali socoto fall,celinta hadalkisa

Neymar, oo ka dhawaajiyay in tani ay noqon karto koobkiisii ​​ugu dambeeyay ee ciyaaraha Koobka Adduunka, ayaa sheegay inuusan hubin inuu ku laaban doono Brazil si uu tartan kale ugu galo Coupe Du Monde.

Daacadii, ma garanayo,” Neyma壯陽藥 r, oo 30 jir ah, ayaa u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan Al Rayyan, Qatar, ka dib guuldaradii xanuunka badneyd ee Brazil ku qasbtay in ay ka haraan koobkii 5 aad ee adduunka

Laakiin isaga oo ka jawaabaya barta Instagram ee Neymar ee dareenka leh Sabtidii, halyeeyga kubada cagta Brazil Pele ayaa ku booriyay, “inuu sii wado inuu noqdo dhiirigelin”.

Jimcihii, Neymar ayaa u horseeday Brazil xawaare si ay u xaqiijiyaan booskooda semi-finalka isagoo dhaliyay goolkii ugu horreeyay ciyaarta qeybtii hore ee waqtiga dheeriga ah, isaga oo barbareeyay Pele oo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda dalkiisa isagoo dhaliyay 77 gool 124 kulan oo caalami ah. Laakin xulka Croatia oo daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta dhaliyay goolkii barbaraha ayaa ugu dambeyn ku quusiyay rigoorayaal, taasoo ka yaabisay Brazil.

82 jirka Pele oo horaantii bishaan isbitaal loo dhigay caabuq dhanka neef-mareenka ah oo laga helay cudurka kansarka, ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Neymar inuu rikoorkiisa ku xiray boggiisa Instagram-ka.

“Waan ku arkay adigoo wayn, maalin walba waan ku farxay, ugu dambayntii waxaan kuugu hambalyayn karaa inaad barbaraysay tirada goolashayda xulka qaranka Brazil,” ayuu qoray Pele-Labadeenaba waan ognahay inay aad uga badan tahay tiro. Waajibkayaga ugu wayn ciyaartoy ahaan waa inaan dhiirigelino

By/ Abdulkadir Farah Dulyar

Leave a Reply