12 Jan 2022″ XIGASHO: REUTERS
Kashifu Inuwa Abdullahi, oo ah agaasimaha guud ee wakaalada horumarinta tignoolajiyada qaranka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Buhari uu ogolaaday in la qaado xayiraada.
Qaadista xayiraada Twitter-ka ee Nigeria ayaa timid ka dib markii warbaahinta bulshada ay ballan-qaadday inay furto xafiis maxalli ah, oo ay ku jiraan heshiisyo kale oo lala galay mas’uuliyiinta waddanka Galbeedka Afrika, dawladdu waxay sheegtay Arbacadii
“Twitter waxa ay ogolaatay in ay ula dhaqanto si ixtiraam leh madaxda qaranka Nigeria ” ayaa lagu yiri bayaanka Abdullahi.
Shirkaddu waxay la shaqayn doontaa dawladda federaalka ah iyo warshadaha ballaadhan “si ay u horumariyaan Xeerka Anshaxa ee waafaqsan hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah, oo lagu dabaqi karo dhammaan dalalka horumaray,” ayay tidhi.
“Sidaas darteed, [dowladda federaalka] waxay qaadaysaa hakinta howlihii Twitter-ka ee Nigeria laga bilaabo saqda dhexe ee 13-ka Janaayo 2022.”
Abdullahi, oo sidoo kale madax u ah guddiga farsamada ee wadajirka ah ee Nigeria iyo Twitter, ayaa sheegay in shirkadda Maraykanku ay ogolaatay in ay magacawdo wakiil waddan ah si uu ula macaamilo mas’uuliyiinta Nigeria una hoggaansamo waajibaadka canshuuraha maxalliga ah.
Dowladda Nigeria ayaa shaqada ka joojisay Twitter 4-tii Juun ka dib markii Twitter-ka tirtay hadal madaxweynaha dalkaas maxamud buhari ugu hanjabtay gobolka gooni goosadka ah laakiin Shirkadaha isgaadhsiinta ayaa xannibay gelitaanka isticmaalayaasha Twitter ka dlka Africa ugu dadka badan ee Nigeria.
犀利士 – wp:paragraph {“kioblocks”:[],”fontWeight”:”800″} –>XIGASHO: REUTERS