Nigeria ayaa garaacday Angola Iyadoo Congo DR ay wajahday Guinea tartanka Africa Cup of Nations ➕

2- February-2024

Nigeria ayaa 1-0 ku garaacday Angola horaantii Jimcaha.

Gool uu qeybtii hore ee ciyaarta dhaliyay Ademola Lookman ayaa kaga filnaaday Nigeria inay ka badiso Angola una soo baxdo semi-finalka koobka qaramada Afrika 2023.

Ciyaaryahankii hore ee xulka England ee 21 jirada ayaa si xoogan gool u badalay kubad uu ka soo gooyay Moses Simon afar daqiiqo ka hor qeybta nasashada ee Abidjan.

犀利士 embed__wrapper”>

Ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay guusha ku raacday Angola oo kaalinta 2-aad ugu fiicneyd mudada dheer ee ciyaarta, waxaana gool madax ah daqiiqadii 75-aad dhaliyay weeraryahanka Nigeria Victor Osimhen, iyadoo garsooraha muuqaalka ahaa uu ka saaray offside.

Fursadii ugu fiicneyd ee Angola waxaa u soo dhacday Zine, kaasoo kubad la soo dhex galay birta markii uu shabaqa ku hubsaday wax yar ka hor ciyaarta.

Ciyaaryahanka sanadka ee Afrika Osimhen ayaa u maleeyay inuu guusha ku soo xiray kubad uu madax ku dhaliyay laad xor ah oo uu soo tuuray Lookman, kaliya VAR ayaa soo fara galisay ka dib markii ay muddo dheer ku jirtay hubinta offside-ka taasoo dad badan ku qabsatay garoonka.

DR Congo ayaa garaacday Guinea Si ay ugu soo baxdo semi-finalka Afcon

Riyada DR Congo ee ku saabsan koobka qaramada Afrika ayaa wali sii socda iyadoo guul soo laabasho ah ka gaartay Guinea oo ay ku garaacday 3-1, si ay iska xaadiriso semi-finalka

DR Congo ayaa wajihi doonta kooxda soo badisa wareega 8da ee Mali iyo Ivory Coast

Mohamed Bayo ayaa gool ku laad u dhaliyay Guinea daqiiqadii 20-aad ka dib markii uu weeraryahanka uu qalad ku galay Chancel Mbemba, laakiin Mbemba ayaa ka soo laaday xagal cidhiidhi ah, waxaana u barbareeyay 7 daqiiqo ka dib.

DR Congo ayaa heshay rigoore ay iska dhaliyeen qeybtii labaad ee ciyaarta markii Julian Jeanvier uu lugaha ka gooyay Silas, waxaana gool u bedelay weeraryahanka Brentford Yoane Wissa, kaasoo hogaanka u dhiibay Leopards ciyaarta oo ay ka harsan tahay 25 daqiiqo.

Ciyaartoyga Galbeedka Afrika wax jawaab ah kama helin ka dib markii ay dib u socdeen natiijadana waa la xidhay markii Arthur Masuaku uu kubad laad xor ah oo dhinaca bidix ah ka soo qaaday goolhayaha Guinea Ibrahim Kone oo ku jiray birta u dhow.

Congo DR oo ka soo guuleeysatay Masar ayaa la ciyaareysa Guinea oo ka badisay xulka ay xifaaltamaan ee Equatorial Guinea kulan ka tirsan tartanka Africa Cup of Nations ka dhacaya Ivory Coast, Iyadoo Nigeria oo ka soo badisay Angola ay ku sugeeyso semifinal ka kooxda soo baxda

Erling Haaland: Pep Guardiola ayaa sheegay in weeraryahanku uu ku faraxsan yahay Manchester City

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray hadaladii warbaahinta Spain ee ahaa in Erling Haaland aanu ku faraxsanayn kooxda.

Sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee El Desmarque, weeraryahanka Norway “ma adkeysan karo” magaalada iyo cimilada xun, waxaana uu xiiseynayaa inuu u dhaqaaqo Real Madrid.

Haaland wuxuu u dhaqaaqay Manchester City 2022 wuxuuna dhaliyay 36 gool Premier League xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horreeyay markii ay ku guuleysteen horyaalka.

“Waa inaad saxaafada weydiisaa Madrid hadii uusan ku faraxsanayn” ayuu yiri Guardiola.

“Waxaa laga yaabaa inay hayaan macluumaad ka badan inta aan hayno.

“Ma hayno dareenkaas ah inuusan ku faraxsanayn, sababtoo ah ma ciyaari karo – laba bilood ayuu dhaawacmay – laakiin waxaa laga yaabaa in warbaahinta Spain, gaar ahaan Madrid, ay naga helaan macluumaad badan.

“Ma xakameyn karno waxa ay dadku dhahaan laakiin muhiimadu waa inuu faraxsan yahay, marka uusan faraxsanayn, go’aankiisa ayuu qaadan doonaa.”

Haaland ayaa ku soo laabtay garoomada Arbacadii ka dib 10 kulan oo uu ku maqnaa dhaawac cagta ah iyadoo Manchester City ay 3-1 ku garaacday Burnley kulan ka tirsan Premier League.

23-sano jirkaan ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo iyadoo kooxda Guardiola ay u safreyso Brentford isniinta.

Leave a Reply